Si Aad U Xasuusato Waxa Aad Baratay Macallin Noqo, Wax Kuqor Ama Sawirro U Rog Waxa Aad Baratay

0
715

Hore ma kuu soo martay in aad buug akhriday, oo markii aad dhammaysay aad dareentay sida in aanad weligaa akhriyin? Ma u diyaar garoobaysaa imtixaan adag oo xusuustu muhiim u tahay? Haddii aad su’aalahan ‘Haa’ kaga jawaabi lahayd. Waxa aan kuu hayaa xal fudud, oo keliya ay kaa xigaan warqad, qalin qori iyo waqti yar oo aad u hurto.

Habka ugu fiican ee weelayntu waa in aad dadka kale u sharraxdo

Oppong waxa uu sheegay in ‘maskaxdu ay sida muruqyada kale, markasta oo dhaqdhaqaaqeeda iyo firfircoonideedu sii kordhaan in awooddeeduna ay korodho. Kumannaan sano ka hor ayaa ay dadku garteen in sida ugu fiican ee fahamka lagu xoojin karaa ay tahay waxa aad doonay in aad maskaxda ku shubto in aad cid kale u sharraxdo ama barto. Faylasuufkii weynaa ee Seneca ayaa isaguna aaminsanaa in mar kasta oo uu kordho waxa aynu dadka baraynaa, in waxa aynu barannayna uu intii hore ka sii kobcayo. Seneca waxa uu sheegay in afkaarteenna meelmarkooda iyo weelayntoodu ay kobcayso marka aynu awoodno in aynu afkaarteenna dadka kale fahamsiin karno.

Sahamin lagu sameeyey sida ay waxbarista dadku kor ugu qaaddo xeeldheerida fahamka baraha, ayaa lagu ogaaday in ardaydu ay boqolkiiba 90 si xeeldheer u fahmaan waxa la baray, marka ay bare noqdaan ee ay u sharraxaan ama sii baraan cid kale. Waxaa iyaduna soo raacda marka uu ardaygu dhaqso ficil ahaan u dhaqangeliyo waxa uu bartay. Waana halka ay ku aroorayso aragtida Oppong ee sheegaysa in marka aad cid kale fahamsiiso ama u sharraxdo waxa aad ku fikirayso, akhriday ama baratay in aad si fiican u xasuusanayso waxa aad tidhi.

Haddaba waxbaraista iyo gudbinta cilmiga oo sunnaha islaamka iyo sayniskuba ka marag kaceen in ay leedahay caafimaad nafsadeed iyo koboc maskaxeed ayaa ay hadda khubaradu sheegayaan in ay sida oo kale dan dhinaca waxbarawhada ah u tahay baraha, oo ay xoojiso awoodda xusuustiisa waxbarashada iyo faham xeeldheer oo uu u yeesho waxa uu soo bartay.

Wax qor

Xeeladaha xafidista ee ay bareyaashu sheegeen waxaa kale oo ka mid ah in ardaygu uu qoro wax kasta oo cusub oo uu barto. Sidaas awgeed Oppong waxa uu sheegayaa in qorista waxa aad barato oo aad marar kala duwan qortaa ay tahay hab aad ku sii xeeldheerayn karto fahamka iyo in maskaxdu aanay illaawin waxa aad baratay. Habka ugu fiicani waa in aad mar kasta sidato diiwaan xusuus reeb oo aad ku qorto wax kasta oo kugu cusub, kaddibna marar dambe aad dhowr jeer sii qorto.

Qalin qori (Beensal) Isticmaal

Waxa ay cilmibaadhayaal badani sheegeen in isticmaalka qalinka qoriga ah ee beensalka loo yaqaannaa uu xidhiidh weyn la leeyahay xusuusta, taas oo xitaa ka xoog badan qoraalka loo adeegsado qalinka nooca kale ah ama hababka kale ee qoraalka, waxaana taas shakiga ka saartay daraasad akademiya oo sida qormadan lagu sheegay lagu eegay arday jaamacadeed loo sheegay in ay wax daawadaan kaddibna habab kala duwan oo qalin beensal ku jiro u qoraan waxa ay fahmaan. Markii dib laga waraystayna waxaa soo baxday in qofka qalin beensalka isticmaalay uu ka xusuus xoogganaa kuwa kale. Arrinta xiisaha lihina waa in dadka isticmaalay kombiyuutarka iyo aaladaha la midka ahi ay ugu liiteen xusuusashada wixii ay barteen, iyada oo weliba ereyada iyo hadallada ay qoreen ay ka badnaayeen kuwa ay qoreen dadka gacanta isticmaalayey. In hab sawiro ah qofku waxa uu hab sawirro ah u rogo oo sidaas ku qoro warqadda ayaa iyaduna ah xeeladda ugu awoodda badan ee maskaxda si adag ugu kaydinaysa waxa aynu baranno.