Shucuubta Dunida Ugu Wahsiga Badan, Sucuudiga Iyo Qatar Oo Safka Hore Ku Jira Iyo Dalka Dunida Ugu Firfircoon

30
3597

Hargeysa (Geeska)- Cilmibaadhis ay samaysay jaamacadda Standford ee dalka Maraykanka ayaa oo tijaabadeeda laa qaaday 717 kun oo qof oo ka soo kala jeeda 111 dawladood oo dunida ah ayaa lagu soo saaray liiska dalalka dunida ugu caajiska badan. Dadkaas oo rag iyo dumarba isugu jiray ayaa la eegayey hawlaha ay qabtaan iyo xarakaadka jidheed ee ay sameeyaan, tusaale ahaan maalin kasta inta tallaabo ee ay qaadaan.

Waxa daraasaddan ka soo baxday in dalka Indooniisiya uu kaalinta koowaad ugu jiro dalalka dadkoodu ugu caajiska badan yihiin adduunka. Arrinta xiisaha leh ayaa ah in dadka dalkani ay celcelis ahaan maalintii socdaan 3,513 tallaabo, halka dadka reer Hong Kong oo ah kuwa dunida ugu firfircooni ay maalintii celcelis ahaan socdaan 6 kun 880 tallaabo.

Daraasaddan oo bulshooyinka xogtooda firfircoonida la ururiyey aanay ku jirin dalalka Afrika, marka laga reebo dhowr dal oo ah kuwa Woqooyiga ee Carabta ah, ayaa lagu ogaaday afarta dal ee carbeed ee liiska caajiska dunida xagga hore kaga jira, kuwaas oo u kala horreeya sidan:

Sucuudiga

Boqortooyada Sucuudiga oo noqotay dalka labaad ee dadkiisu dunida oo dhan ugu caajiska badan yihiin, ayaa la sheegay in celcelis ahaan ay dadkiisu socdaan 3’807 oo tallaabo maalin kasta.

Qatar

Dalka Qatar oo ah dalka labaad xagga caajiska ee dalalka Carabta ayaa kaalinta lixaad kaga jira liiska dalalka dunida ugu caajiska badan, waxa aana la ogaaday in dadkiisu ay celcelis ahaan 4 kun 158 tallaabo qaadaan maalintii.

Masar

Masar ayaa ah kaalinta saddexaad ee carabta iyo kaalinta sagaalaad ee dunida, waxa aana dadkeeda lagu qiyaasay in ay celcelis ahaan maalintii socdaan 4 kun 315 tallaabo.

Imaaraatka Carabta

Kaalinta kow iyo tobnaad ee liiska dadka caajiska ah ee dunida waxaa ku jira dalka Isutagga imaaraadka Carabta, oo dadkiisu ay celcelis ahaan maalintii socdaan 4, 516 tallaabo, waxa aanu dalalka carabta ka noqonayaa dalka afaraad.

Dalal kale

Dalalka kale ee dunida ugu caajiska badan ayaa ay daraasaddani iyagana ku sheegtay in ay yihiin kuwa dadkoodu u badan yihiin kuwo aan xarakaad jidheed iyo dhaqdhaqaaq badan maalintii samayn, waa aanay liiskaas ugu soo horreysiisay dalal ay ka mid yihiin, Malta oo ay dadkiisa boqolkiiba 71.9 yihiin kuwo aan firfircoonayn, dalka Swaziland ee Koonfurta Afrika ayaa kaalinta labaad ku noqday dadkiisa oo boqolkiiba 69 wahsi la jiifaan, halka kaalinta saddexaad ay gashay boqortooyada Sucuudiga oo dadkeedu boqolkiiba 68.8 yihiin kuwo aan xarakaad jidheed samayn, dalka Seerbiya ayaa kaalinta Afaraad ah oo dadkiisu boqolkiiba 68.3 yihiin caajis, dalka Argeninta ayaa isaguna isla dhibcahaas oo kale haysta. Dalka Micronesia ee dadkiisuba 105 kun yihiin ayaa ku xiga oo boqolkiiba 66.3 yihiin dad fadhiya waqtigooda badankiisa, Kuweyt ayaa xigta oo boqolkiiba 64.5 dadkeedu ay caajis la fadhiyaan, Ingiriiska ayaa ku xiga oo boqolkiiba 63.3 dadkiisu ay wahsi badni la fadhiyaan, Imaaraadka ayaa kaalinta sagaalaad ka haysta dhinaca wacsiga oo dadkiisu ay boqolkiiba 62.5 yihiin kuwo aan xarakaad badan samayn, dalka Malaysiya ayaana ugu dambeeya tobanka dal oo boqolkiiba 61.4 dadkeedu ay yihiin kuwo aan xarakaad fiican lagu ogeyn.

Warbixino kale oo arrintan la xidhiidha ayaa iyaguna muujiyey in dalka Bulgaria uu yahay dalka ay dadkiisu dalalka Yurub ugu caajiska badan yihin, boqolkiiba 78 dadka dalkan ee baadhista lagu sameeyey ayaa la ogaaday in aanay samayn dhaqdhaqaaq jidheed oo ku filan, caafimaadkooda jidheed. Dalalka ugu firfircoon qaaradda Yurub waxa ay noqdeen dalalka la isku yidhaahdo Isakadaneefiyaanka, oo tusaale ahaan dalka Sweden 10 ruux ee kasta 9 ayaa si joogto ah u sameeya jimicsiyo jidheed ugu yaraan hal mar toddobaadkii, dadka dalalka Denmark iyo Finland ayaa iyaguna la mid ah oo dadkoodu ay leeyihiin caadooyin caafimaadka jidheed u fiican.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here