Shixnad Bariis Dhacay Ah Oo la qabtay Iyadoo La Gelinayo Boorama

2
591

Picture4Hargeysa(Geeska)-Ciidanka Booliska ee Boorama ayaa shalay gacanta ku soo dhigay baabuurkii u horeeyay ee shixnad bariis dhacay oo lagu soo waday Magaalada Boorama. Bariiskan dhacay ayaa waxa lagu soo cabeeyay jawaano cusub oo dhusha lagaga dhajiyay taariikh cusub, marka hoosta loo dhaadhacana waxa ka muuqatay inuu bariisku yahay mid madoobaaday oo waqtigiisu dhacay.

 

Sida uu ku soo waramayo weriye Cabdale Cali Yuusuf, Maayar ku xigeenka Boorama Maxamed Faarax Dheerayste ayaa ka waramay hawlgalka bariiskan lagu soo qabtay waxana uu yidhi “Waan tuhunay shixnada baabuurkan saaran oo sida muuqata markii aan gacanta galinay aan ka soo saarnay bariis xumaaday oo waqtigiisu dhacay, waxana aan gacnta uga galinay ciidamada Booliska waxana aan ku daba jirnaa cidii iska lahayd oo baadhis ayaa ku socota”

Xildhibaan Ibraahim Axmed Liibaan oo isaguna ka hadlay halkaasi ayaa yidhi “baabuurkan iyo baabuur kale oo ka dambaysaa haday jirtaba, waxa aan ku haynaa indhaha oo ogolaan mayno in alaabo dhacday bulshada la dhex keeno, waxana aan iskaashi la samaynay ciidamada Booliska oo hawsha baadhista ah aan gacanta u galinay”

Arintan ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa waqti ay maanta dawlada hoose ee Boorama oo kaashanaysa ciidamada Booliska iyo bahda garsoorka ay dab sudheen, badeecooyin kala duwan oo isugu jiray Saliid, sharaabka la cabo kiriimka jidhka la marsado iyo dawooyin kala duwan kuwaas oo waqtigoodu dhacay.

Maayarka Boorama Saleebaan Xasan Xadi ayaa ka waramay khatarta ay alaabadan dhacday ku hayso bulshada waxana uu yidhi “ Xil wayn baa na saaran oo cid baa nagula xisaabtamaysa masuuliyada nasaaran, ka nasan mayno inaan soo qaqabano oo aan daba galno alaabada dhacday, cida ka ganacsanaysana waxaan leenahay ka waan tooba, dadwaynahana waxaan leenahay waa sun alaabta dhacday ee noocan ah ee la iibinayaa ee meeshii aad ku aragtaan soo sheega anaga ayaa ka qaadayna talaabo sharci ahe”

Si kastaba ha ahaatee arintan ayaa waxa ay khatar ku tahay caafimaadka bulshada, waxana ay dhaliishu u foorartaa dhinaca bahda Fayadhawrka ee D/Hoose iyo Dhawrista Agabka iyo Adeega ee Dawlada Dhexe kuwaas oo u muuqda kuwo hawsha ay hayaan ku fashilmay isla markaana aanan damaanad qaadi Karin inay bulshadu hesho alaabo lagu kalsoonaan karo oo caafimaadka aanan waxba u dhimayn.

Comments are closed.