Madaxweynaha Oo Dhagax Dhigay Dhismaha Jidka Burco Iyo Ceerigaabo

8
572

Picture5Burco(Geeska)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo iyo wafti  uu hugaaminaayay oo ayaamahii u danbeeyay ku sugnaa magaalada Burco ee xarunta gobolka Togdheer   ayaa dhagax-dhigay wado isku xidhi-doonta  goboladda Togdheer iyo Sanaag ,xili ay qabyo yihiin wadooyinkii hore.

Dhagax-dhiga wadadan oo laga bilaabay Tuuladda Ina Afmadoobe oo dhinaca bari ka xigta magaalada Burco, waxa dhagax dhiga madaxweynaha ku wahelinaayay  wasiirada kala ah Wasiirka Warfaafinta,Wasiirka Madaxtooyadda,Wasiirka Waxbarashadda,Wasiirka Gaashaandhiga,masuuliyiin kale  iyo waliba gudiga horumarinta gobolka Togdheer.

Gudoomiyaha gudiga horumarinta gobolka Togdheer Maxamuud Aadan Dheri oo ugu horeyn dhismaha wadadan ka hadlay waxa hadaladiisii ka mid ahaa " Madaxweyne 84-sanadood in ka badan ayay wadadani jirtay oo ah xiligii isticmaarku ina haystay markaa maanta ayaad madaxweyne dhagaxii u horeeyay wadadan dhigtay waxaanan la doonayaa in dhismaheeda laga dhabeeyo "

Sidoo kale Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo halkaas hadal kooban ka jeediyay waxa hadaladiisii ka mid ahaa ''Farxad aad iyo aad u weynbay ii tahay inaan dhagaxdhigo wadadan isku xidha Ceerigaabo iyo Burco oo ah wado halbawle ah ,si uu Nimcooyinka uu gobalka Sanaag leeyahay ay dalka u soo  wada gaadho oo laysu socon karo,waxaanan rajaynayaa inaynu hawshaas sidaynu kuwada tashanay  Gudo iyo debad aynu uga wada qayb qaadano oo aanu anana gacanta ugu wayn ka gaysano waxna aanan kala hadhin "
Waxa kale oo Madaxweynuhu  maanta dhagaxdhigay Saldhig laga hirgalinaayo Xaafadda Plaza iyo qaybo cusub oo lagu kordhinaayo Madaarka diyaaradaha Burco.

Comments are closed.