Hay’adda Mercy Corps Oo Dugsiga Sare Ee Gacan Libaax Ku Kordhinaysa Afar Fasal Oo Cusub

1
3667

Picture3Hargeysa (Geeska) – Guddomiyaha Waxbarashada ee bariga Gobolka Maroodi-jeex Ismaciil Dhubato iyo agaasimaha waaxda dugsiyada sare ee Wasaaradda Waxbarashada Somaliland Maxamed Saalax Dalmar, ayaa shalay si wada jir ah u dhagax dhigay afar fasal oo hay’adda caalamiga ah ee MERCY CORPS ku kordhinayso dugsiga sare ee Sheekh Ibraahim Sheekh Yuusuf Sheekh Madar ee hore loogu yaqaanay Gacan Libaax ee Magaakada Hargeysa.

Munaasibaddii lagu dhagax dhigay afarta fasal ee lagu kordhinayo dugsigaasi, ayaa hay’adda Mercy Corps ka sheegtay inay dugsiga ku kordhinayso afartaa fasal, suuliyo Macalimiinta u gaar ah iyo weliba taangi biyood weyn oo iskuulka biyaha loogu kaydiyo.

Ibraahin Cumar Axmed oo ka socday Hay’adda Mercy Corps, oo halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey fasalada ay ku soo kordhiyaan dugsiga sare ee Gacan Libaax “Mercy Corps ahaan waxaanu dugsiga ka hirgalinaynaa afar fasal oo cusub oo balaadhin ah iyo Musqulo sy si gaar ah u isticmaalaan Macalimiinta dugsigu iyo taangi biyood weyn oo iskuulku kayd ahaan u isticmaalo” ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Markii aanu qiimaynay ardayda dugsiga dhigata waxanu ogaanay in ardayda fasalka fadhidaa ay ka badan yihiin intii loogu tallo galay, sidaasi darteed markii aanu baahidaasi aragnay ayaanu ku soo kordhinay afarta fasal ee cusub”

Sarkaalka ka socday hay’adda dhismayaashan hirgalinaysa ee Mercy Corps, wuxuu sheegay inay ka caawisay hay’adda USAID.

Guddomiyaha Waxbarashada ee bariga Gobolka Maroodi-jeex Ismaciil Dhubato  oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in faaladani meesha ka saari doonaan culays badan oo ardayda dugsigani ku haysay Wasaaradda waxbarashada “Aad bay hay’adda Mercy Corps ugu mahadsan tahay inay fasalo cusub noogu darto dugsigan oo culays badani naga saarnaa, fasaladana ardayda ayaa ku kala nafisi doonta, waxa kale oo aan u mahadnaqayaa shirkadda ku guuleystay dhismaha Home Star” oo aan leeyahay ku fara adeyga”

Agaasimaha waaxda dugsiyada sare ee wasaaradda waxbarashada Somaliland Maxamed Saalax Dalmar oo isaguna ka mid ahaa masuuliyiinta halkaasi ka hadlay ayaa yidhi “Waxaan aad ugu faraxsanahay in ardayda dugsiga Sheekh Ibraahin ay ka baxeen cidhiidhigii haystay ee dhinca fasalada, waxa kale oo aan u mahad celinaya hay’ada Mercy Corps  oo iyaduna inoo dhisaysa fasaladaasi iyo Musqulaha Macalimiinta” .

Maamulaha dugsiga sare ee Sheekh Ibraahin Sheekh Yusuuf Sheekh Madar, Siciid Cabdi Shiil, oo  halkaasi ka hadlay ayaa u mahadnaqay hay’adda Mercy Corps oo hirgalinaysa dhismayaasha cusub ee lagu kordhinayo dugsigaasi, waxaanu tilmaamay in fasalada cusub ee afarta ahi ay ka fududeynayaan culayskii ka haystay tirada ardayda ee maalinba maalinta ka dambaysa sii badanaysa.

Comments are closed.