Xildhibaan Miigane Oo Geeriyooday Iyo Madaxweynaha & Guddoomiyaha Wakiilada Oo Shacabka Ka Tacsiyeeyay

0
588

Picture2Picture2Hargeysa(Geeska)-Alle haw naxariiste waxa shalay magaalada Borama ee xarunta gobalka Awdal ku geeriyooday Marxuum Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo ahaa xildhibaan ka tirsan golaha wakiilada.

Marxuum Barkhad oo sidoo kale ahaa barre sare oo ka tirsanaa jaamacadaha Hargeysa iyo Camuud, wuxuu u geeriyooday xanuun uu muddo u jiifay. Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo iyo guddoomiyaha golaha wakiilada Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ayaa dhambaalo tacsi ah u diray qaranka, golaha wakiilada iyo shacabka uu ka geeriyooday xildhibaan Barkhad Miigane, waxaanay marxuumka Alle uga baryeen inuu naxariistii janno ka waraabiyo.

Madaxweyne Siilaanyo wuxuu dhambaalka tacsidiisa ku yidhi “Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed Silaanyo waxa uu tacsi u dirayaa, Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii iyo Asxaabtii uu ka baxay Marxuum Xildhibaan Maxamed Barkhad Miigane (Xamaal) oo shalay 30/03/2015 ku geeriyooday Magaalada Boorama.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka ku tilmaamay masuul qaran oo muddo dheer ka soo shaqaynaayey danta ummadda iyo ta qarankaba kana mid ahaa odayaashii ka qaybqaatay nabadayntii iyo dib u dhiskii dalka door muhiimana ku lahaa xeer dejinta dalka, isaga oo marxuumku ka mid ahaa xildhibaanadii u horeeyey ee dalku yeesho oo uu ilaa wakhtigana ka mid ahaa golaha baarlamaanka somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu marxuumka Alle uga baryayaa inuu naxariistii jannatu fardawsa ka waraabiyo Golaha Barlamaanka, Golaha guurtida, shacbiga Somaliland, guud ahaan golayaasha qaranka Somaliland, Qoyskii, Eheladii, Qaraabadii, Asxaabtii iyo shacbiga  Somaliland ee uu ka baxayna Samir iyo iimaan saadiqa ka siiyo.”

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi ayaa isaguna golaha wakiilada iyo shacbiga ka tacsiyeeyay geerida marxuum Maxamed Barkhad Miigane.

Alle haw naxariistee Marxuum Barkhad Miigane wuxuu muddo dheer ka tirsanaa golaha wakiilada, isagoo ka mid ahaa xildhibaanada magaca iyo ixtiraamka ku dhex lahaa golaha wakiilada.