Xildhibaan Qabile Oo Sharci Darro Ku Macneeyay Muddo Kordhintii Ay Guurtidu Samaysay

0
577

Picture5Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Maxamed Faaraxa Qabile oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, kana tirsan XIsbiga Mucaaradka ee UCID, ayaa ka hadlay khilaafka cakiran ee ku saabsan muddo kordhinta ee u dhexeeya Xukuumadda, Guurtida iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Xildhibaan Maxamed Faaraxa Qabile oo Wargeyska Geeska Afrika  ayaa yidhi   “Marka aynu eegno Saddexda Xisbi, Xisbiga Kulmiye iyo Xukuumadda waa la kala garan la yahay, marka iyama qaraarka leh Xukuumadda iyo Kulmiye, arinkan muddo kordhinta waa arin lagu margaday, baylahda  taala maaha in magaca uun la isticmaalo oo la yidhaahdo Xisbiyo ayaa is raacay, ee waxa aan qabaa in Laba Xisbi iyo Xukuumaddu inay wax is weydiinayeen, in Xisbigu uu mawqif iyo go’aan yeesho ayaa u haboon, balse in Xisbi saar geed ka baxay noqdo waa ayaan daro”.

Xildhibaan Qabile ayaa mar uu ka hadlay Komishanka Doorashooyinka ayaa yidhi “Marka hore Komishanku xeer ayuu ku dhisan yahay, wax alaale wixii Doorasho la xidhiidha iyo Garsoorkeeda Nabadgeliyada iyo waxyaabaha ay Dawladda ka dalbanayaan mooye, Doorashada diyaarinteeda, cayimideeda iyo wakhtiga ay dhacayso iyaga ayaa awood u leh, markii ugu horeeysay ee Tobanka Kun loo soo daynaayey, Madaxweynaha iyo Saddexda Xisbi waa kuwii wax ku heshiiyey, waa tii Komishanku dib u dhacay, markii dambe waa kii Komishanku isna qaraar gaadhay, waxaana qabaa in qaraarkaasi ahaa midka ugu saxsan, maxa yeelay Komishanka waxba Guurtida kagama xidhna, waxayna iyagu sheegeen in muddadii ay wax ku qaban karayeen inay tahay Sannad, Komishanku Axsaabtana wey qanciyeen markii ay sidaas wax u gudbiyeen waxa ay eegayeen in wareegto lagu soo saaro, waxaana markaas isa soo galay wakhtigii Golaha Wakiilada iyo wakhtigii Xukuumadda oo dhammaanaya, iyo Komishanka oo sheegaya wakhtiga ay ku qaban karaan Doorashada, madaama wakhti la sheegayna Guurtidu waxa ay ahayd inay waajibkooda ka gudaatan, Doorashadii 2005 ee Golaha Wakiiladu 14-cisho ayey Komishanku u baahdeen, Golaha Guurtidu maalin kumay darin 14-cisho ee ay u baahdeen Komishanku ee intaas ayey ku saleeyeen”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlaayey go’aankii Guurtida ayaa yidhi “Guurtidu laba dambi ayey gashay, oo mar waxa ay yidhaahdeen waxa aanu laalnay wakhtiga ay Komishanku u cayimeen Doorashada, mana laali karaan, oo Komishanku waa xeer beegti madax banaan, oo Xubin walba oo Komishanka ka tirsani waxa Golaha Wakiilada uu ka helay 42-cod, gefka labaad ee ay galeen ayaa ah muddada dheeraadka ah ee ay kordhiyeen ma sharaxi karaan waxa lagu qabanaayo, taariikhada Somaliland waa markii ugu horeeysay ee wakhtiga Komishanku qabteen Guurtidu xabaal bilaash u qodo,Qofna inuu Qarankan sida uu doono ugu ciyaaro maaha,walibana waxaad moodaysay in wax lagu waday muquunis”.

Xildhibaan Qabile mar uu ka hadlay kulankii Xisbiyada iyo Guurtida ayaa  yidhi “Kulankii ay la kulmeen Xisbiyadu Guurtida wey ku khaldanaayeen, fadhiga ay la soo fadhiisteen Saleebaan wey ku khaldanaayeen, oo haddii uu ka dhaqaajiyey wakhtigii, oo uu Doorashadii uu Shan bilood ku daray, wax kalena la yimid, iyaga ayaa fursad siiyey Nin khaldan.