“Imika Waxba Ma Saarno Siilaanyo Oo Xaaladiisa Ayaanu Ognahay, Siilaanyihii Aanu Naqaanay Maaha, Salebaan Iyo Cali Waxaan Leenahay Dalka Fowdo Ha Gelinina”

0
2199

Picture7Hargeysa (Geeska) – Gudoomiyaha xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng.Faysal Cali Waraabe, ayaa ku adkaystay inay xisbiyada mucaaradka ah xaq u leeyahiin qabshada shirka ay abaabulkiisa ku hawlan yahiin, waxaanu go’aanka xukuumaddu ku diidan tahay shirkaasi ku tilmaamay mid aan laga fiirsanin.

Gudoomiye Faysal Cali Waraabe waxa uu laab la kac ku tilmaamay hadallada shirkaas uu ku duray gudoomiyaha golaha Guurtida Somaliland Saleeban Maxamuud Aadan, waxaanu Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku dhaliilay in aanay talo gacanta ugu jirin ee dalka ay ka taliyeen shaqsiyaad magacaabistiisa adeegsanaya.

Guddoomiyaha UCID Oo isaga oo ku sugan Magaalada Dubai ee dalka isu-tagga Imaaraadka Carabta khadka Telefoonka xalay ugu waramay Geeska Afrika, ayaa isaga oo ugu horeyn ka hadlaya hadallada xukuumaddu ku dureyso qabashada shirka talo qaran ayuu yidhi “Annagu waxaanu qabanaynaa shir qaran maaha ee waa dood cilmiyeed lagaga doodaayo xaalada dalka, danta Somaliland ayaana ku jirta in talo laga bixiyo oo xukuumadda talo loo gudbiyo, oo laga talo bixiyo sidii doorasho wacani ay inoogu dhici lahayd, oo siyaasadeena dibadda iyo wadahadallada laga talo bixiyo, markaas ninka yidhaahda yaan la wada tashan oo arrimaha dalka laga doodin waxaan u arkaa in aanu waddo sax ah ahayn; dalkanina waa dal dimuqraadi ah”

Guddoomiye Faysal, oo sii hadlayaa waxa uu sheegay “Maalin kasta waxa dhaca shir beeleedyo aan dalka waxba u faa’idayn, waxaanu doonaynaa in talooyin badan oo wax ku ool ah ay shirkaas ka soo baxaan, waxa la yidhi – layligu biyaha calooshiisa ku jira ayuu ka didaa – Saleebaan (Gudomiyaha guurtida) iyo Ciddii kale ee arinkaas ka hor imanaysaaba waxay is leeyahiin shirka waxa iman doona arimo idin khuseeya, laakiin labada xisbi mucaarad ee arintan wada iyo dadka kale  ee aqoonyahanka ahiba dalka ayay ka naxayaan, kuwa ka soo horjeedaana waa kuwo dano gaar ah iyo shaqsiyaad daafacaya oo aan danta dalka ka hadlayan, Saleebaana waanu ka xunahay inuu maanta sidaas u hadlo, ninkii aanu maanta doonaynay inuu dalka wanaagiisa ka shaqeeyo oo dastuurka ixtiraamo inuu iska laab kaco oo arimhaas ku hadlo aad iyo aad ayaan uga xumahay”ayuu yidhi waxaanu intaa ku daray “Masuulku waa inuu kala ogaadaa waxa uu diidayo iyo waxa uu aqbalyo, waa inuu u jeedada iyo ajandaha akhriyaa markaas ayuu diidi karaa ama ogalaan karaa, markaas inuu arinta ka qayliyo uun maaha, dalkana maaha mid qolo kaliya leedahay ee waa mid la wada leeyahay, waanu ku deg-degay wasiirka daakhiligu arintaas.dhawaan waatii jaamacada Hargeysa qabtay dood cilmiyeed tan aanu ku baaqnay oo kale ah oo aanu ka qabgalnay fikirkayagana ka dhiibanay xukuumaduna ay ka soo qaybgashay, tanina waa tii oo kale oo ka balaadhan uun. Wasiirka daakhiligu waa uu deg-degay waxaanay ahayd inuu hubsado, asxaabta mucaaradka ahna cid u diidi kartaa ma jirto inay doodaas qabtaan, haddii la is-ixtiraami waayo dalku fawdo ayuu galayaa, markaas waxaanu leenahay dalka fawdada ka daaya.”

Gudoomiyaha oo la waydiiyay sida uu u arko inay xukuumadda Madaxweyne Axmed Siilaanyo ku qaabisho waji kakan mucaaradkeeda waxa uu yidhi “Anagu umma aragno inuu Madaxweynuu gacanta dalka ku hayo ee ninba waxa uu doonayo ayuu samaynayaa, taladii Axmed Siilaanyo meesha kama muuqato, waa shaqsiyaad uu ninba afka uu doono ku hadlayo, annagu imika waxba ma saarno Siilaanyo oo xaaladiisa ayaanu ugnahay, nin maanta dalkii gacanta ku wadda hayna maaha, magacyadaas uu meesha u dhiib dhiibay ee uu magacaabay ayaa waxay doonaan ku hadlaaya,markaas isaga waxba ka hadli mayno oo Siilaanyahii aanu naqaanay ee aanu canaananaynay maanta maaha, cid kaliyaata oo uu ka masuul yahay ma jirto ee qof kastaa isaga ayaa hawlahiisa ka masuul ah. Laakiin raga hadlay Saleebaan iyo Caliba waxaanu leenahay dalka fawdo hagalinina wax lagu murmaana ma jirto, waa dood cilmiyeed xaqna waad u leedihiin inaad ka soo qaybgashaan oo aad rayigiina ku soo bandhigtaan oo kolba waxii laga doodayo aad ka doodaan.”