Shirkii KULMIYE Oo Maanta Furmaya

1
744

kulmiye-flagHargeysa(Geeska)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa la filayaa inuu maanta si rasmi ah uga furmo magaalada Hargeysa.

Shirkan oo socon doona laba maalmood, waxa la filayaa inuu maanta ka qayb galo Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, oo ah aasaasaha xisbigan, waxaana la filayaa inuu shirku maanta ku koobnaado khudbadaha masuuliyiinta iyo arrimo kale oo kooban, waxase la filayaa inay Axadda beri noqon doonto maalin adag oo ay ergooyinku faaqidaan arrimo kala duwan oo ay ka mid tahay buuxinta jagooyin hoggaanka ah oo banaan si ku meelgaadh ahna hore loo sii buuxiyay. Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muse Biixi Cabdi, oo xilkan si ku meelgaadh ah u hayay ayaa la filayaa in rasmi ahaan loogu doorto, laakiin ku xigeenkiisa Md. Cabdiraxmaan Cabdiqaadir oo ay muddo dheer Madaxweynaha isa seeganayeen ayaan la hubin in isna rasmi loogu caleemo saari doono kurisga ku xigeenka 1aad, waxaana soo baxaya warar sheegaya inuu Maxamed Kaahin Axmed u sharaxanyahay guddoomiye xigeenka 1aad ee KULMIYE. Waxaana la filayaa inay amuurahani noqon doonaan kuwo ergooyinka iyo shirguddoonka ka dhex abuura dareen xaasaasi ah.

Marka laga tago xulashada xubnaha hoggaanka xisbiga, waxa kale oo isna shirkan aan la hubin in lagu xulan doono murashaxa madaxweyne ee xisbigaas u meteli doona doorashada dambe ee madaxtooyada, waxaana muddo dheer murashaxnimada xisbiga loolan ugu jiray guddoomiye Muuse Biixi Cabdi, waxase jira warar sheegaya inaan shirkan lagu xulan doonin qof murashax ah, laakiin qodobkan ayaa ah midka ugu xaasaasisan, waxaana la sheegayaa inuu Muuse Biixi Cabdi, talo ahaan ku soo jeediyay in hadda la sii calaamadsado murashaxa, iyadoo ay xubno kale oo uu Madaxweyne Siilaanyo ka mid yahayna aaminsanyihiin inaanu wakhtigan ku haboonayn xulashada murashaxu, iyagoo ku salaynaya inay isku duubnimada xisbiga waxyeeli karto, dadka qaarna waxay tilmaamayaan in Madaxweyne Siilaanyo uu hayo hunguri labaad, taasina ay tahay sababta wakhtigan Muuse Biixi looga diidanyahay in murashaxa la sii cayimo.

Si kastaba ha ahaate haddii uu Muuse Biixi ku guulaysto inuu murashaxa xisbiga noqdo, waxa uu hanan doonaa guul siyaasadeed, haddiise uu xisbigu ka bato oo la isla qaato inaan wakhtigan murashaxa la dooran, waxa ay taasi ku noqon doontaa dhaawac siyaasadeed oo mustaqbalkiisa mugdi gelin doona.

Comments are closed.