Maxamed Xaashi Oo Ka Hadlay Mawqifkiisa Wada Hadalada Somaliya

0
681

Eng-Maxamed-Xaashi-Cilmi-11Hargaysa( Geeska )-Wasiirkii hore ee maaliyadda Md. Maxamed Xaashi Cilmi, ayaa mawqif cad oo adag iska taagay wada hadal ay dawladda Somaliland la gasho Somaliya, waxaanu sheegay inaanay Somaliya hadda ka jirin sabab wada hadal loola faro.

Eng.Maxamed Xaashi waxa uu sidan ku sheegay kulan uu xalay ka qayb galay oo ay abaabuleen dhallinyarada ururka wadaniyada, kaas oo uu halku dhegiisu ahaa hal na dheh, xalayna uu marti ku ahaa Eng. Maxamed Xaashi Cilmi. Maxamed Xaashi, isagoo ka hadlaya wada hadalka Somaliya ee ay dawladda Somaliland qorshaysay inay la gasho Somaliya, wuxuu yidhi “Maanta arimaha ina soo food saaray waxa kamid ah shirarkaas socda, oo la yidhi Somaliya is arkaynaa, illaahay khar ha siiyee wasiirka arimaha dibadu waxa uu yidhi isaga oo arimahaas ka hadlaaya, markay dawlad dalka xukunta samaystaan, ee madaxweyne qudha yeeshaan ayaynu la hadlaynaa, waa arin sax ah, lakiin haddii la yidhaahdo shariifka aan la shirno, Shariifkiina uu yidhi midnimada Somaliya waa muqadas, kolkaas meeli kaagama banaana waayo isagiibaa yidhi sidaas, baarlamaankood qaar waxay leeyahiin Shariifkaas waxba kama go’aan, shirkiisa inaga daaya, markaas waa talo loo baahan yahay in dhalinyaradu ka qayb gasho oo ay ku da’adaalaan, ilaaliyaana la soo noqoshdii dawladnimadeedna ee xaqa ahayd.”

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi “Niman aan waxba inoo ogalayn oo aan iyagii isku mid ahayn ee toban madaxweyne leh, oo aan la garnayn cid meesha xukuntaba aynu iyagii hadal lagalno, illaa ay isku tagaan oo ay dawlad qudha noqdaan markaas ayaynu odhan karnaa waxii inaga dhaxeeyay qaybtayadii nasiiya, waxaan heesahana ugu jeclahay, Hadhicin, Hadheeliyin, Waligaa dhisnaw. Kolkaas wax allle wax baahiya oo aan Somaliya u qabnaa ma jirto, dhalinyaradana waxaan odhan lahaa arimahaas ka qayb gala oo dhagaha fura oo indhaha fura oo talada dalka wax ku yeesha.”

Wuxuu Maxamed Xaashi, ka hadlay qabyaaladda iyo doorka ay Somaliland ku leedahay, waxaanu yidhi “Waxa la yidhi, Garxajis marbuu madaxweyne noqday, Awalna marbuu noqday, waa sanadkii Habr jeclo, illaahay ha  ka dhigo kii inoogu danbeeyay ee reer ahaan ahaa, kolkaas sadexdaas reer waanu waawaynahay ayay yidhaahdeen, kuwii kale rajaba malaha ay madaxweyne ku gaadhaan, ninku sida uu doonaba haw wanaagsanaado, sida uu doonaba haw daacad ahaado, waxa weeye kol hadaanu saddexdaas reer ka dhalan  rajo uu madaxweyne ku noqdaa ma jirto, illaahay haydinka dhigo kuwii nidaamkaas xun badali lahaa.”

Isagoo qabiilka ka sii hadlaya wuxuu yidhi “kolka qabiil la soo qaado qafka qiimihiisii ayaa luma, aqoontiisi baa lunta, waxa lagu xisaabtamaa waa reer hebel, kolkaas qiimihii hoos buu u dhacay, markaas dhalinyarooy arinta idiin taalaa waxa weeye sidii lixdaneeyadii aynu ahayn in aynu ku soo noqono.”

Ugu dambayn waxa la weydiiyay bal inuu qaban doono haddii loo dhiibo guddoomiyaha Jaamacadda Hargeysa, waxaanu yidhi “ Imika waa soo cimraysanayaaye, laakiin guddida caafimaadka ee dhakhtarka ayaa I waydiisatay inaan la shaqeeyo, markaas waxaan is leeyahay bal waxaad ku biirin karto ku biiri, si aynu u heli karno qalab, lacagta dadka laga ururiyana wax  loogu qaban lahaa, waayo imika waxaynu ogaanay in dhakhaatiir badan dunida in ay inooga imanayaan oo bilaasha ah, markaas qalabkii aynu meel dhigano, dadwayntiina ay bilaash noqoto iyo meeshii aan wax ka qaban karana diyaarbaan u nahay.”