Khudbadda Madaxweynaha Ee Maanta Iyo Qodobada Ay Bulshadu Ka Sugayso Inuu Ka Hadlo

0
617

Siilaanyo-MJIyadoo sannad iyo badh laga joogo markii uu talada qabtay xisbiga KULMIYE, waxa la filayaa inuu Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo markii u horaysay maanta ka qayb galo shirka golaha dhexe ee KULMIYE, oo si rasmi ah Hargeysa uga furmi doona.

Shirkaas, waxa la filayaa inuu Madaxweynuhu khudbad ka jeediyo, lamana garan karo inuu khudbadiisa ku koobi doono xisbigii uu ka soo baxay, laakiin waxa ay bulshadu maanta si weyn u sugaysaa khudbadda uu xisbigiisa u jeediyo oo laga filayo inuu ku soo hadal qaadi doono xaaladaha kala duwan ee dalka oo ay ku xeeranyihiin dhaliilo iyo siyaasado badan oo uu mugdi ku jiro, waxaana laga rabaa inuu Madaxweynuhu umadda uga jawaabo dhaliilaha badan ee loo jeedinayo ee ay ka mid yihiin musuqmaasuq, qaraabo kiil iyo siyaasadiisa hoggaamineed ee dibadda iyo gudaha oo ay siyaasiyiinta mucaaradku si weyn u dhaliilaan. Madaxweynuhu haddii uu shirkaas ka qayb galo islamarkaana khudbad ka jeediyo waxa ay umaddii u codaysay ka sugaysaa inuu ka hadlo deyrka ku gudban gogosha nabadeed ee uu ku baaqayay tan iyo maalintii uu xilka qabtay oo ay xataa xubno ka mid ah golihiisa wasiiradu tilmaamaan inay qabyo tahay.

Arrinta kale ee ku saabsan hay’adda lagu magacaabo Somaliland Development Corporation oo lagu sheegay inay tahay sanduuq ay xukuumadda ugu soo dhici doonaan mucaawiyoonka iyo deequhu ayaa iyaduna ah qodob ay bulshadu ka sugayso inuu cadeeyo sababta keentay iyo weliba sababta looga ansixin waayay golaha sharci dejinta. Intaas waxa raacda inuu ka jawaabo sababta hay’adaas loogu daray dad ajaanib ah iyadoo ay umadii Somaliland buuxdo.

Heshiiska uu la galay Madaxweyne Siilaanyo dawladda Seychelles ee ku saabsan kala wareejinta maxaabiista budhcad badeeda oo ay dad badani aaminsanyihiin inuu yahay dabin ay xukuumadiisu gashay, ayaa isna ah qodob ay umaddu ka sugayso inuu  faahfaahiyo sababta uu mar labaad u ogolaaday isagoo markii uu talada qabtay diiday, waxaanay umaddu ka war war qabtaa inuu heshiiskaasi ganacsiga Somaliland u horseedi doono cadaawad cusub.

Xadhiga masuuliyiinta u xidhan eedaha musuqmaasuq oo aan muddo bil ka badan la horgayn wax maxkamad ah ayaa isna loo dheg taagayaa inuu soo hadal qaado, waxaana la ogyahay in dhawr iyo soddon maalmood ay masuuliyiintaasi ku jiraan xabsiga iyadoo ay maxkamadda gobalka Hargeysa hay’adaha baadhista dambiyada iyo xeer ilaalinta ka codsatay inay toddobaad gudihii ku soo dhammaystiraan, balse aan ilaa hadda lagu guulaysan in raggaas la horgeeyo maxkamad dacwadooda dhagaysata. Ku darsoo saddexda xubnood ee xidhanina waxa ay ka tirsanyihiin xisbiga KULMIYE.

Mawduuca kale ee xilligan taagan ayaa isna ah wada hadalka Somaliland iyo Somaliya ee uu u xulay shan wasiir oo xukuumadiisa ka tirsan, kaas oo qaabka uu u xulay ay umaddu cod midaysan kaga hortimid. Madaxweynaha waxa xaq loogu leeyahay inuu umadda ka qanciyo sababta uu arrin ku saabsan masiirka umadda Somaliland ugu xulay shan wasiir oo ka tirsan xukuumadiisa oo talada ku qabatay doorasho ay ku heshay 49%.

Si kastaba ha ahaate, qodobadan iyo kuwo kale oo tiro badaniba waxa ay ka mid yihiin arrimo bulshada gubaya oo ay u raadinayaan jawaabo iyo faahfaahin dheeraad ah, waxaanu rayul caamku maanta u dheg taagayaa haddii uu Madaxweynuhu shirka KULMIYE ka qayb galo bal qodobada uu khudbadiisa ku soo qaato.