Shirkii Kooxda Khaatumo Oo Ka Furmay Magaalada Taleex

0
661

Hargeysa (Geeska)-Magaalada Taleex oo ka mid ah  Somaliland, gaar ahaana ka tirsan Gobolka Sool ayaa waxaa si rasmi ah shalay uga furmay Shirkii Maamulka Khaatumo ee Somaliland diidka ah , iyada oo Shirkii ugu horeeyey ee ay ku qabsadaan Khaatumo Magaalada Taleex uu dhacay dhammaadkii Sanadkii 2011-kii. Shirkan Shalay ka furmay Magaalada Taleex, ayaa waxa Guddoominayey Dr. Cali Ciise Cabdi, waxaana si rasmiya furitaanka Shirka ku dhawaaqay Maxamed Yuusuf Jaamac (Indha-sheel).waxa kale oo Shirkaas goob joog ka ahaa Cali Khaliif Galaydh, oo ka mid ah Xildhibaanada Somaliya, ee sida aadka ah uga soo horjeeda jirtaanka iyo madax banaanida Somaliland.

Waxa iyaguna ka qayb galay qaar ka mid ah garaadada Dhulbahanate oo uu ka mid yahay garaad Jaamac Garaad Cali.

Xukuumadda Somaliland ayaan ka hadal shirkan gudaha dalka lagu qabsaday ee lagaga soo horjeedo Somaliland, inkastoo uu yahay shirkii labaad ee ay Khaatumo qabsato.

Dhanka kale waxa dhawaan Ciidamada Qaranka Somaliland ee ku sugan Gobolada Bari, ay si toos ah u galeen Magaalada Taleex, taas oo muddo yar markii ay ku sugnaayeen ay dib uga soo noqdeen, iyada oo aan la caddeyn sababta dhabta ah ee keliftay in Ciidamada Somaliland ay ka soo baxaan Magaalada Taleex, oo Maamulka Taleex Xarun u ah.