Guddoomiye-xigeenka Waddani Oo Borama Ku Martiqaaday Madaxdhaqameedka Beeshiisa

0
609

Boorama (Geeska)-Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Shalay  Boorama  ku martiqaaday Odeyaasha, Salaadiinta, Madax-dhaqameedka. Waxgaradka iyo Aqoonyahanka  beesha uu ka soo jeedo  ee degaanada Gobolada Awdal iyo Selel.

Guddoomiye ku xigeenka Waddani Axmed Muumin Seed ayaa Qado Sharaf ugu sameeyey Rays Hotel ee Magaalada Boorama, Boqol Xubnood oo iskugu jira qeybaha kala duwan ee Bulshada ee ka soo jeeda Beeshiisa. 

Casuumadan Qado sharafta ah ee Guddoomiye  ku xigeenka Waddani u sameeyey Wax-garadka Beeshiisa, ayaa laga soo saarin wax war ah ,balse waxa lala xidhiidhinaya  arrimo siyaasadeed  oo u Guddoomiye ku xigeenka Xisbiga Waddani ku kasbanayo Taageerada Beeshiisa  Doorashooyinka soo socda ,waana markii u horreysay ee u Guddoomiye ku xigeenku qaybaha kala duwan ee Beeshiisauu iskugu yeedho .

Kulankan ama casuumaddan u Guddoomiye ku xigeenku  ugu yeedhay Beeshiisa ayaa  waxa ka horeeysay Casuumad tan oo kale la mid ah oo uu ugu yeedhay Madax dhaqameedka iyo Wax-garadka  Beelaha Jibriil Yoonis (samaroon) ee degaanka Boorama dhawr bilood ka hor  ,qado sharaftaas oo waagaasi dareen siyaasadeed ka dhex abuurtay qaybo ka mid ah dadweynaha iyo siyaasiyiinta  beelahaasi kaga jira Xisbiyada kale  ee qaranka  iyo dawladdaba .