Shirkii Golaha Dhexe Ee KULMIYE Oo Beri Furmaya Iyo Madaxweynaha Oo Ka Hadlaya

0
749

 

Picture4Hargeysa(Geeska)-Shirweynihii golaha dhexe ee xisbiga KULMIYE, ayaa lagu wadaa inuu Axadda beri ka furmo magaalada Hargeysa, waxaanu shirkaasi socon doonaa maalin keliya.

Shirkaas oo la cayimay Arbacadii toddobaadkan, islamarkaana lagu soo afjaray khilaaf xoogan oo sharciyeed oo ka dhex jiray hoggaanka KULMIYE iyo hoggaanka golaha dhexe, waxa sida uu qorshuhu yahay lagu sharciyaynayaa go’aankii ay hoggaanka KULMIYE dib ugu dhigeen shirweynaha xisbiga. Waxaana sida ay ilo xogogaali Geeska Afrika u sheegeen khudbado ka jeedin doona Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo, guddoomiyaha KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha Golaha Dhexe Jaamac Shabeel, oo isagu ergada ka codsan doona in la sharciyeeyo go’aankaas uu hoggaanku gaadhay, waxaana sida muuqata masuuliyiinta halkaas ka hadli doona tiradooda loo soo koobay si aanu buuq badani u dhalan, maadaama oo la doonayo in si sulux ah lagu dhammeeyo khilaafka banaanka u soo baxay ee ka dhex oogan xisbiga KULMIYE.

Madaxweyne xigeenka Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Saylici, ayaa go’aankan lagu qabanayo shirka golaha dhexe ku dhexdhexaadiyay labada dhinac oo isku maandhaafay cidda awood sharciyeed u leh dib u dhigista shirweynaha xisbiga.