Dhibbanaha La Deyrshay: Kamaal A. Cali

26
971

kamaal axmed claiIyada oo ay ilmadu qoysay gadhkiisa hamashka ah iyo dhabannada wejigiisa afartan jirsaday, ayuu cod dhiillo leh oo murugo iyo ciil la xabeebtay ku yidhi, “Ceeb iyo takoor ayaan dadkayga ku qabaa”  Ninkan aan jeclaysan in magaciisa la sheego oo ka mid ah dadka cudurka AIDSka la nool, waxa aad wejigiisa ka dheehanaysaa  in deyrada uu kala kulmay bulshadiisu kaga xanuun iyo damqasho badan tahay kaarka iyo walbahaarka uu ku qabo cudurkan oo uu ka qaaday dhiig HIV/AIDS siday oo lagu shubay mar uu xanuunsaday.  “Maxaan galabsaday…?” ayuu cod daciif ah ku yidhi, isaga oo hoos u foorara inta uu baabacada gacantiisa taagta daran ku tiray ilmada ka gobo’ leh indhihiisa murugadu baalasha ka riftay. Faahfaahin aad u kooban oo uu ka bixiyey dhibta uu bulshadiisa kala kulmay ee aanu jeclayn in xanuunkeeda la xasuusiyo waxa uu ku yidhi, “Sida dabaysha ayuu warkaygu dadkii oo dhan u gaadhay, markaasaa qof kasta oo i ogaadaa iga durkaa, xataa masaajidka dhexdiisa hiif baan ku qabaa oo xilliga salaadda dadka xaalkayga ogi barbarkayga kuma tukadaan”

 

Waa in aynu garwaaqsanno in masiibada iyo cudurradu ay noqon karaan ciqaab qofka lagaga jarayo denbiyo uu hore u galay, qasabna ma’aha in dembigaasi uu yahay gogol-dhaaf iyo dhaqan xumo, ee waxaa ku jira kuwo aynu habeen iyo dharaarba Alle ka galno, oo aanu in badan oo innaga mid ah adduunyada ku abaal marin, sida diin cayga, salaad la’aanta, musuqa, beenta, khiyaamada iwm, si kastaba ha ahaato ee masiibada iyo imtixaanka qofka haleela waxaa ku jirta faa’ido aakhiro oo ah haddii uu ku samro dhibteeda in uu Alle kaga maydho dembiyo aakhiro cuslayn lahaa, waana ay dhici karta in masiibadu ay qofka khayr iyo badhaadhe aakhiro u waddo, sababtaas ayaanu nebi Muxammed (SCW) u sheegay in nebiyada Alle ay ahaayeen kuwa imtixaanka adduun saamiga ugu badani kaga soo hagaagay, kadibna sida ay dadku u kala wanaagsan yihiin uu imtixaanku ugu sii kala badan yahay. Islaamkuna waxa uu ina barayaa in cudurku qofka muslimka ah mar u yahay dembi-dhaaf, marna haddii uu ku samro u yahay ajar dheeraad ah. Si kastaba ha ahaato ee arrinta ay muhiimka tahay in qof kastaa uu ka dheregsanaadaa waa in masiibada iyo dhibaatadu aanay hoos u dhigayn karaamada Rabbaaniga ah ee ruuxa, sidoo kalana aanay jarayn xidhiidhka ehelnimada, saaxiibnimada iyo macaamilo wanaagga qofku uu mudan yahay, ee ku eeg illaa xadka aanay gudbinta cudurku ku imanayn.

Sannad kasta Malaayiin ruux oo ay muslimiin badani ku jirto ayaa qaada cudur-sidaha khatarta badan ee HIV/AIDS oo ah caabuq burburiya hab-dhiska difaaca qofka, sababtu waa ay noqon kartaa mid xidhiidh la leh dhaqankii qummanaa oo uu qofku ka baydhay, laakiin waxa ay sidoo kalana noqon kartaa qofka oo ka jaahil ah sida cudurku ku soo gaadhi karo, ama in uu dhibbane u noqdo tallaabo sax ah oo uu qaaday balse ay kaga timid natiijadan tabani, sida lammaanaha oo midkood qarsado, waxa iyaduna sabab u noqon karta gaabis ka yimi cid uu caafimaad ama adeeg kale oo xalaal ah ugu tegey, sida timo xiirista iyo qalliinada caafimaadka ee kala duwan.

In cudurku imtixaan Rabbi yahay dad badani waa ay og yihiin oo ay xataa ka badbadiyaan qaabka ay ula macaamilayaan qofka, waxase badankoodu ka war la’ yihiin in uu sidoo kalana sida cudurrada kalaba uu sababo kala duwan ugu dhici karo qof kasta. Nolol qallafsan oo kaarka iyo geerida ay u dheer tahay xaqiraad iyo ceebayn ayaa ay ku nool yihiin bulshadeenna dhibbanaha u ah cudurka AIDSka, duruufaha kakan ee raadinta daawada iyo daryeelka naftooda waxaa u raacay deymada colaadeed iyo hiifka ay ku qabaan bulshada ku xeeraan. Waa dad innaga mid ah oo qaarkood uu cudurku u soo maray dariiq aynu inteenna badani marno oo Alle innagu badbaadsho, laakiin macaamilkeennii uu iyaga u dhigay in ay yihiin dhagar-qabayaal aan mudnayn badbaadada uu Rabbi innagaba innaggu galladay.

In kata oo ay khatarta cudurkani badan tahay, illaa haddana aan daawo rasmi ah loo helin, haddana bishaaradu waxa ay tahay in uu yahay cudur aan sidaa sahlan ugu faafin macaamilka caadiga ah iyo xidhiidhada nolol-maalmeedka ku ladhan, sida salaanta, neefta iyo cunto wadaagga, oo uu keliya ku gudba dhiigga, naas nuujinta iyo dheecaannada jinsiga ah. Isla markaana dhibbanuhu uu muddo dheer la noolaan karo haddii uu helo  daawada ku habboon oo dabcan uu ku jiro dabiibka nafsiga ah ee qormadani taabanayso. Taasina waxa ay meesha ka saaraysaa in cudurkan lagala mid dhigo xanuunnada ay qasabka tahay in la karantiimeeyo ruuxa uu ku dhaco, sida daacuunka. AIDSku kama duwana cudurrada kale ee aan daawada rasmiga ah lahayn sida, Joonis cadka, macaanka iyo dhiig karka, laakiin waa ay ka nasiib bateen oo iyaga laguma dhibsado boqollaal innaga mid ah oo la nool, oo weliba inta ay madal kasta ka sheegaan in ay cudurkaas qabaan, aanay cidi ku ceebsan.

Bal u fiirso xaaladda hooyadan cudurka AIDSka isku ogaatay sannadkii 2004ta, waxaa u soo gudbiyey saygeedii xijaabtay oo aanay ku ogeyn, maalintii uu geeriyooday ayuu dhakhtar xaalkiisa maalmihii u dambeeyey ogaa ku war geliyey cudurka uu ninkeedu u dhintay iyadana kula taliyey in nafteeda iyo carruurtoodaba ay ka baadho, inkasta oo ubadku ka badbaaday cudurkan, nasiib darro iyada waa laga helay. Hay’ado shisheeeye ayaa ay marar kala duwan ka heshay caawimo faro-guudkood ah oo isugu jirta cunto iyo daawooyin, laakiin waxa ay bulshadeeda ka weyday ayaa kaga xanuun badan baahida caloosha ee laga kaabayo. Qofna ma diidi karo in nafta aadamuhu sida oomatada ugu baahan tahay la-macaamilka bulshada ay ka midka tahay, taasina ay keenayso in hadba hab-dhaqanka uu ruuxu kala kulmayo bulshada ku xeerani uu lagama maarmaan u yahay habsami-u-socodka noloshiisa adduun.

Hooyadan magaceeda qarisay, iyada oo ka baqo qabta in dhibta ay haddaba bulshada ku qabtaa ku sii badato, intii uu saygeedu noolaa waxa ay laba qol kaga jireen guri ay leeyihiin qoyska uu ninku ka dhashay oo ay sidoo kale la wadaagi jireen xaaska dumaashigeed oo ninkeeda ka weyn iyo labadiisa waalid oo in kasta oo ay waayeel ahaayeen haddana weli tamarinayey, inta badanna nolosha qoyska oo isku dhan waxaa dabbari jiray ama kaalinta ugu weyn ka qaadan jiray saygeeda oo wastaadnimo ku xoogsan jiray, naasiib darro se, isla maalintii la ogaaday in uu saygeedu u dhintay xanuunkan halista ah ayuu qoyskii guddoonsaday in xaaska marxuumka iyo carruurtiisaba aan lala sugin tacsida ee dhaqso guriga looga saaro, iyaga oo ku andacoonaya in cudurka ay qaadsiinayaan xubnaha kale ee qoyska, cidi isma ay weydiin sida lagu kala qaado iyo agoonta ay xammaamtoodii bannaanka ugu qubeen in ay cudurka ka fayo qabto. Waa qiso xanuun badan oo ereyo lagu soo koobi karin, waxase muhiimkeedu ku soo ururayaa in waayuhu ay agoontaa hoy uga dhigeen buul baco iyo hun ka samaysan, waxbarasho la’aan iyo in aanay hubin inay heli doonaan cuntada xigta hadba ta ay markaa afka ku hayaan. Qoyskii ay ka dhasheen iyo ehel kale midna dib uma soo sheegan, intaa kagama ay hadhin dhibta aadamuhu ee illaa maantana hadba dad cusub ayaa ogaada sababta uu carruurta aabahood u dhintay oo ka durka ama ceeb iyo cambaar uga dhiga.

Waa laba keliya oo ka mid ah qisaska murugada iyo xanuunka badan ee aanay cidi ka war qabin, in ay la silcayaan kumanaan innaga mid ah oo inta uu cudurku dhagar la’aan ku haleelay, aynu tusnay in aanay xaq u lehayn in ay nolol maalmeedkooda sida dadka caadiga ah u wataan. Hab-dhaqanka qallafsan ee bulshadeenu ku qaabishay dhibbanaha AIDSku habeen iyo dharaar dhexdood kuma uu dhalan ee curiyeyaal badan ayaa iska kaashaday in uu heerkaa gaadho, wacyi la’aantuna waa ka mid. Waxaa laga yaabaa in badan oo ka mid ah dadka didmada qaba in ay ka tahay aqoon darro ka hayso cudurkan. Shalay ayaa ay ahayd markii cudurka qaaxadu (TB) ceeb ka dhex ahaa bulshada oo dad badan oo qarsaday ay u la’deen, maantase markii la bartay in uu la mid yahay xanuunnada kale oo laga bogsoon karo, qof kasta oo habeenna qufaacaa iskii ayuu isaga soo shaybaadhaa, taasina waxa ay ku timid dadaalka wacyi-gelineed ee hadda aynu dareemayno in uu maqan yahay, eedda gaabiskaana waxaa ay madaxa u saaran tahay, hay’adaha heer caalami iyo maxalli ee mashaariicda malaayiinta doolar ah ku qaata la dagaalanka iyo wacyi gelinta HIV/AIDS, balse tobanaan sano kadib weli aanu saskii bulshada ka bixin, waaxyaha dawladda ee arrimahani khuseeyaan ayaa iyaguna kaalintoodii gabay, wacyi gelinta ka sokow dawladda waxaa la gudboon in ay samayso shuruuc iyo xeerar waafaqsan xaaladda bukaankan oo bukaanka xaq u siinaya in ay si caadiya u wadan karaan hawl maalmeedkooda iyo in ay shaqada iyo fursadaha kalaba ula siman yihiin muwaadiniinta kale. Waxa aan eedda iyaguna dhanna uga nuxusan karin warbaahinta oo sida muuqata gabtay waajib bulsho oo ka saaran guud ahaanba wacyi gelinta bulshada.

Ugu dambayntii faham la’aantaas iyo deyrada dhibbanayaashan waxaa ka dhalan kara in dad badan oo cudurkan isaga baqayaa aanay tegin goobaha caafimaadka si ay isaga hubiyaan, ama iyaga oo isku ogba in ay qarsadaan illaa uu dhaafo heerka laga yaabo in lala tacaali kari lahaa, labada xaaloba waxa ay halis ku yihiin ruuxa dhibbanaha ah iyo guud ahaan bulshada uu la nool yahay. Ugu dambayntii waxaa muhiim ah in aynu baranno in takoorka iyo faro-ku-fiiqa ay ka dashaan xaalado nafsi ah oo qofka ku beera ruux cadaawadeed, oo noqon karta in uu lumiyo lexe-jeclada uu dadkiisa u qabo, xaalkuna sida marar badanba dhacday uu noqdo in qofkan la deyriyey oo dareensan in bulshadu dulmiday uu isna aarsi ku kaco, taas oo khasaare badan ina geyeysiin karta.

Comments are closed.