Tahriibayaal Ay Ku Jiraan Kuwo Reer Somaliland Ahi Oo Lagu Badbaadiyay Xeebaha Malta

1
830

 

Picture5Malta (Geeska)- Gabadh uur leh iyo ilmo yar ayaa ku jiray koox gaadhaysay 82 tahriibayaal Somali ah oo laga soo badbaadiyey xeebaha jasiiradda Malta, sida saraakiisha dalkaasi jimcihii shalay sheegeen. Wakaaladaha wararka ee caalamiga ah, ayaa shalay si weyn wax uga qoray tahriibayaashan.

Tahriibayaashan ayaa la sheegay in la arkay doontii siday oo sabaynaysa meel u jirta 68 mile Malta, ka dib markii ay dhambaal ka dirteen  telefoonka guurguura oo ay siteen, markii ay naftooda u baqeen. Waxaana la sheegay inay ka kicitimeen xeebaha wadanka Liibiya.

Kooxdan tahriibayaasha ayaa ka koobnaa 82 Soomali ah, oo toban haween ahi ku jireen, waxaana loo qaaday goob ciidan oo Malta ku taal, si loola tacaalo dhibaatooyinka soo gaadhay mudadii ay jidka ku sii jireen, waxaana ka go’ay sahayda iyo weliba shidaalka shiraaca yar ee ay wateen. 82-kan ruux ee Somalida ah, ayaa la aaminsanyahay inay ku jiraan dhallinyaro badan oo reer Somaliland ah, gaar ahaan kuwo dhawaan ka socdaalay magaalooyinka Hargeysa iyo Wajaale.

Geesta kale, Saddex doonyood oo kale oo siday 260 qof ayey ciidamada Talyaanigu joojiyeen Jimcahii loona qaaday xeryaha waaxda socdaalka ee jasiirada  Lampedusa.

Muddooyinkii u dambeeyay, waxa yaraaday tahriibka, laakiin waxa muuqata inuu dhawaanahan xadhkaha goostay.

Comments are closed.