Shirkii Daallo Ee U Quus Gooyay Wasiir Duur, Cabdi Aw Daahir Iyo Guddoomiyaha Baanka Oo Boqray Wasiirul Dawlaha Maaliyadda Iyo Sababta Keentay

0
574

 

kooxHargeysa(Geeska)-Shirguddoonka hayaga shirka Beelweynta Habaryoonis uga socda buurta Daallo ee Ceerigaabo, ayaa shahaado sharaf ku maamuusay wasiirul dawlaha Maaliyadda Md. Cismaan Cabdillaahi Saxariid (Cadaani), oo maalmo ka hor gaadhay magaalada Ceerigaabo.

Guddoonsiinta wasiirka ee shahaado sharaftan, ayaa lagu sheegay in lagu maamuusay kaalintii uu ka qaatay qabsoomidda shirkaas, waxaanay wararku  sheegayaan in shirguddoonku shahaado sharaftan sabab uga dhigeen ka dib markii wasiirul dawluhu noqday wasiirka keliya ee Beeshaas ka soo jeeda ee xukuumadda ka tirsan ee shirka Beesha taageeray, waxaanu si weyn uga aragti duwanaa wasiirada kale ee Beeshaas xukuumadda ugu jira oo aaminsanaa in shirka Daallo dib loo dhigo. Dhawr goor oo la sheegay inay xukuumadda iyo odayaal Beeshaas ka tirsani shirkan ka wada hadleen, ayaa la sheegay inuu Wasiirul dawluhu si adag u difaacay qabsoomida shirkaas oo uu sheegay inuu yahay mid beeleed oo aan dhibaato dalka u horseedayn. Shahaadada wasiirul dawlaha la guddoonsiiyay waxay u quusgoynaysaa wasiiradii kale ee xukuumadda ka tirasn ee Beeshaas ka soo jeeday oo markii ay guul ka gaadhi waayeen ujeedada ay u tageen fagaaraha shirka ee Daallo dib ugu soo noqday Hargeysa, halka Wasiirul dawlaha maaliyada si diiran loogu soo dhaweeyay shirka. Wasiirada hore shirka u tagay waxa ka mid ah Wasiirada arrimaha gudaha Maxamed Nuur Duur, xanaanada xoolaha Cabdi Aw Daahir, guddoomiyaha Baanka Cabdi Dirir Cabdi iyo masuliyiin kale, kuwaas oo hadda ku sugan magaalada Hargeysa, halka uu wasiirul dawluhu toddobaadkii ina dhaafay gaadhay Ceerigaabo.

Khudbad uu wasiirul dawluhu markii shahaado sharafta la guddoonsiiyay shirka ka jeediyay, wuxuu ku sheegay in Madaxweynaha Somaliland shirka hambalyo u soo diray, waxaanu sheegay inuu Madaxweynuhu taageersanyahay shirka Beeshaas.