Shirkadda Youtube Oo Soo Kordhisay Qaybta Wararka Degdegga Ah Oo Talefankaaga Gacanta Aad Ka Helayso

0
962

Washington (Geeska)- Degelka caanka ah ee Youtube oo maqal iyo muuqaalka baahiya ayaa hawlgeliyey nuskhad cusub oo bogagga internet ka ah isla markaana wadata qayb talefannada gacanta ku shaqaynaya, taas oo qofka u suurtogelinaysa in wararka degdegga ahi talefankiisa gacanta ugu soo dhacaan.

Dib-u-cusboonaysiintan Youtube ayaa timid saddex maalmood kadib markii ay soo baxday warbixin sheegaysay in shirkaddu ay ka shaqaynayso tijaabada adeeg cusub oo qofka isticmaala u fududaynaya in uu garto tirada dadka daawaday fiidyowga uu hadba doorto, iyo weliba waqtiga uu xaddido isagu. Adeeggan ayaa si gaar ah ugu faa’idaynaya dadka leh kanaallada Youtube ka oo ku ogaanaya sida loola socdo kanaalkooda ama loo daawado fiidyowyada ay soo geliyaan.

Youtube waxa uu ka mid yahay baraha internet ka ee loogu isticmaalka badan yahay dunida oo dhan, waxa aanay bishii lixaad ee sannadkan shirkadda Youtube sheegtay in tirada dadka u diiwaangashan isticmaalka Youtube ay gaadhayso 1.5 Bilyan bishii keliya. Waxa ay shirkaddu sheegtay in dadka ay tirisay ee u diiwaangashani ay yihiin kuwa ugu yaraan laba saac maalintii isticmaala Youtube ka, ee weliba talefannadooda gacanta ka isticmaala.