Shirkadda You-Tube Oo Hadda Kadib Fiidyowyada Ku Jira La Daawan Doono Internet La’aan

0
566

Washington (Geeska)- Shirkadda caanka ah ee You-tube oo ah shirkadda ugu weyn dunida ee suurtogelisa in Internet ka la isku dhaafsado, laguna wadaago muuqaallada Fiidyowga ah ayaa dhowaan abuurtay adeeg cusub oo lagu magacaabo You Tube Go, kaas oo suurtogelinaya in fiidyowyada You Tube ku jira la daawan karo iyada oo aan loo baahan internet.

Adeeggan You Tube Go oo qayb ka ah barnaamij casriyeyn iyo ballaadhin ah oo ay shirkaddu muddooyinkii u dambeeyey ku wadday adeegyadeeda wadaagista Fiidyowyada ayaa hadda ku jira tijaabo ay lagu hubinayo shaqadiisa ka hor intaa aan dhowaan si rasmi ah loo sii deyn.

Sida ay sheegeen masuuliyiinta shirkaddu ujeedada ay ka leeyihiin adeegga You Tube Go ayaa ah in la dardar geliyo awoodda ay dadka deegaannada internet ku daciifka ku yahay u leeyihiin in ay daawadaan filimada You Tube, iyo in ay u suurtogasho in ay adeegsadayaasha You Tube ee isla deegaankooda ah la wadaagi karaan fiidyowyada iyaga oo aan u baahan internet la sheegi karo.

Adeeggan ayaa markii ugu horreysay ay shirkadda You Tube ka hirgelisay dalka Hindiya horraantii sannadkan, Johanna Wright oo ah ku xigeenka agaasimaha waaxda wax-soo-saarka ee You Tube ayaa mar ay adeeggan cusub ka hadashay waxa ay tidhi, “Waxa loogu talogalay in jiilka soo socda ee ah adeegsadayaasha You Tube laga caawiyo in ay si nafis ah u daawan karaan Fiidyowyada, dadka kalana ula wadaagi karaan. Waa barnaamij u samaysan in si sahal ah looga isticmaalo talefanka gacanta iyada oo aan internet ba loo baahan.

Bandhig tiknoolajiyadeed oo dhowaan ka dhacay dalka Hindiya ayaa ay shirkaddu sidoo kale ku soo bandhigtay adeegyo kale oo ay dhowaan ku soo kordhin doonto You Tube, waxa aanay si toos ah dalka Hindiya uga bilowday in qofku You Tube Go isticmaali karo, laakiin weli shaaca kama ay qaadin goorta ay si rasmi ah barnaamijkan ugu fasaxayso macaamiisheeda daafaha dunida.