Shirkadda Telesom Oo Maalgalisay Mashruuc Tijaabo ah oo Lagu Daryeeli Doono Caruurta Danyarta Ee La Nool Cudurk Macaanka

0
750

Picture2Hargeysa (Geeska)  – Xaflad si heer sare ah ay u soo agaasintay xarunta dayreelka caruurta la nool cudurka Macaanka ee Global Polyclinic ayaa ka dhacday hutel Sumer Time ee magaalada Hargeysa, xafladan oo lagu daahfuraayey mashruuc tijaabo ah oo ay maalgalisay shirkadda Telesom kaasi oo lagu xanaanayn doono caruurta la nool cudurka macaanka. Xafladan oo ay ka soo qayb-galeen maamulka xarunta Caafimaadka Global Polyclinic, masuuliyiin ka kala  tirsan Shirkadda Telesom, Wasiir Ku-xigeenka Arimaha Qoyska Marwo Shukri Xariir Ismaacil, Agaasimaha Dhalinyaradda iyo Ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabeeye, Wakiilka Hay’adda Qaramadda Midoobay ee WHO Marwo. Aasiya Cismaan, Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyoTabaradda Wasaaradda Caafimaadka ahna xubni a mid ah boodhka Ururka Dhakhaatiirka Somaliland Dr. Ciise Cabdi Jaamac iyo masuul ka tirsan Dhakhtarka MAS.

Mashruucan tijaabadda ah oo lagu daryeelayo caruurta la nool cudurka macaanka waxaa iska kaashaday shirkadda Telesom iyo Xarunta Caafimaadka Global Polyclinic, mashruucan oo tijaabo ah waxaa daryeel caafimaad lagu siin doonaa 50 caruur danyar ah muddo hal sano ah sidaa waxaa sheegay madaxa Suuq-gaynta iyo Xidhiidhka dadweynaha ee Shirkadda Telesom Maxamed Cabdi Darbo.

Madaxa Xarunta Caafimaadka Global Polyclinic Dr. Cabdirisaaq Yuusuf Cabdilaahi ayaa ka waramay mashruucan iyo noocyadda adeegyadda ah ee ay caruurta qaba cudurka macaanka u qabanayaan waxaanu yidhi, "Waxaan ugu bushaaraynayaa in shirkadda Telesom ay naga caawisay  in caruurteena daawo loo helay muddo sanad ah dawooyin bilaash ahn la siinayo. Runtii waxyaalaha kale ee aanu u qaban doono waxaa ka mid ah in aanu baadhitaan u samayno, documenti u samayno iyo inaynu ogaano horumarka  uu ilmuhu sanadkaa gudihiisa iska badalay."

Dr. Cabdirisaaq ayaa sheegay in qiyaas lagu sameeyey heerka uu gaadhsiisan yahay xanuunka macaanka dadka la nool gaar ahaana caruurta in ay u dhaxayso 1,200 ilaa 1,400 oo caruur ah kuwaasi oo ku kala nool magaalooyinka iyo miiyadda. Dhaktar Cabdirisaaq Yuusuf ayaa sheegay in Xarunta Caafimaadka Global iyo Polyinic iyo shirkadda Telesom ay ka go'an tahay in ay hiigsadaan sidii ay u gaadhi laayeen tiradda caruurta  ah ee la nool xanuunkan macaanka.

Agaasimaha Qaynta Horumarinta Ganacsiga shirkadda Telesom Cabdisalaan Ismaaciil Nuur ayaa ka hadlay ujeedda shirkadda Telesom ka leedahay mashruucan waxaanu yidhi, "In aanu abuurno hal abuur cusub oo ah nooc bulshadeednu isku kaashato ah.  Waxaa rabaa in aan idhaahno maanta waxaanu kafaalo qaadnay dadkeena  buka qayb ka mid ah si bulshadeena inteeda kalena ay u bilowdo maadaama ay dalkeena cuduro badani ka jiraan baahi badanina ay dalka ka jiraan. Qodobka labaad waxa weeye in aan tilmaamo in aanu bartimaadeed ka dhiganay dadka macaanku hayo gaar ahaan caruurta waliba danyarta ah ee aan iska bixin karin dawooyinka iyo baahiya uu u baahan yahay xanuunkani iyaduna waa ujeedo kale oo aanu ka leenahay in aanu dadkaasi ka taageerno baahidaas." Sidaasi waxaa yidhi Cabdisalaan Ismaacil Nuur.

Masuuliyiintii xafladda furtinaanka mashruuca tijaabadda ah ee shirkadda Telesom maalgalisay ka hadlay waxaa ka mid ahayd Wakiilka Somaliland u fadhiya hay'adda Qaramadda midoobay ee WHO Marwo Aasiya Cismaan ayaa mahadnaq u jeedisay shirkadda Telesom iyadoo ku amaantay sida ay ugu babac dhigtay xanuunka Macaanka. Marwo Aasiya ayaa aad uga waranay dhibaatadda uu leeyahay xanuunka macaanka iyo sida ay u dhib badan tahay in lala tacaalo xanuunkaasi, waxaa ay talo usoo jeedisay dadka u istaagay in ay xanuunkan wax ka qabashadiisa gacan ka gaystaan. Marwo Aasiya Cismaan ayaa sidoo kale sheegtay in tababar la siiyo waalidiinta dhalay caruurta macaanka qaba si ay wixii gargaar degdega ee u ilmuhu u baahan yahay ay ugu qaban karaan.

Agaasimaha Waaxda Shaqaalaha iyoTabaradda Wasaaradda Caafimaadka xubinna ka ah boodhka Ururka Dhakhaatiirka Somaliland Dr. Ciise Cabdi Jaamac oo ku hadlaayey afka Wasaaradda Caafimaadka ayaa sheegay in taageero la garab taagan yihiin markasta cidkasta oo gacan ka gaysanaysa daryeelka caruurta qaba cudurka macaanka.

Waxaa isaguna madasha ka hadlay Agaasimaha Guud ee Wasaarada Dhalinyaradda iyo ciyaaraha Maxamed Xuseen Axmed Dhabbeeya waxaa uu tibaaxay in maanta cudurka macaanku uu la soo baxay waji cusub kaasi oo markii hore ku eekaa dadka waaweyn, balse hadda uu ku dhaco qofkasta iyo dad kasta oo ku nool mii iyo magaalo. Agaasimaha ayaa balanqaaday in Wasaaradda Dhalinyaradda iyo Ciyaaruhu ay mashruucan kaga qayb qaadan doonto in ay caruurta qaba macaanka ee lagu xanaanaynayo xarunta caafimaadka ee Global Polynclinic  ay ka caawin doona qalabka ciyaaraha oo uu sheegay in ciyaaruhu ay ka mid yihiin waxyaalaha xanuunkan lagula tacaalo.

Ugu dambayntii waxaa xaflada soo afmeertay Wasiir Ku-xigeenka Shaqadda iyo Arimaha Bulshadda Marwo Shugri Xariir Ismaacil waxa ay warantay xanuunkan iyo sida uu ugu baahsan yahay bulshadda qaybaheed kala duwan waxanay sheegtay in xanuunkan ay qabaan ilmihii naaska jaqaayey kii soconayaayey ilaa qofkii 80 jirka ahaa. Wasiiradda ayaa ugu baaqday in bulshadu ka qayb-qaataan sidii gacan looga gaysan lahaa dayreelka caruurta qaba cudurka macaanka. Marwo Shugri Xariir ayaa baaq u dirtay shirkaddaha Laydhka waxaanay ka dalbatay in ay qiimo-dhimis u sameeyaan qoysaska caruurtoodu qabaan cudurka macaanka maadama dawadda macaanku ay u baahan tahay talaagad 24 saacadood shidan.