Maayirka Hargeysa Oo Dhagax Dhigay Xarun Dab-Damis Oo Caasimaddu Yeelan Doonto

0
558

Picture3Hargeysa,(Geeska)-Maayirka Hargeysa  iyo  xubno wasiiro ayaa maanta dhagax dhigay xarun dab-damis oo ay yeelanayso caasimadda Hargeysa, kaas oo xaruntii ugu weynayd laga furay magaaladda Hargeysa.

Dab-damisyaddan ayaa waxa isla kaashaday dawladda hoose iyo madaxweynaha  Somaliland, kuwaas oo ugu talogalay inay xaafaddaha magaaladda Hargeysa u yeelan lahaayeen Dab-damis yareeya khasaaraha dabka uu dhaliyo oo masiibo xoogan ku hayey guud ahaan Somaliland.

Maayirka Caasimada Hargeysa  Md:Cabdiraxman Maxamuud Caydiid (Soltelko) ayaa sheegay in mashruucan ay isla kaashadeen dawladda hoose iyo madaxweynaha, sidoo kale ay ku darsadeen ganacsadda suuqa waaheen ee magaaladda Hargeysa.

Maayarka oo arrimahaasi ka hadlaya waxa uu yidhi “Runtii Dab-damiskan la soo iibayey waxa lacagta Bixiyey Madaxweynaha Somaliland iyo  dawladda hoose ee Hargeysa,  lacagtaasi oo ah 260,000 oo Dollar, Dawlada Hoose waxay bixisay 100,000, iyo Suuqa Waaheen oo bixiyey 20,000 oo Dollar, xaruntani waa xaruntii Dabdamiska ee magaalada Hargeysa, waxa kale oo aanu sameynaynaa Afar xarumood oo daafaha magaalada laga dhisi doono oo dabdamisku  la geyn doono, waxa kale oo aanu labbada Suuq ee Waaheen iyo gobanimo u sameyn doona Labba Dhuummod oo waaweyn oo biyo wixii dhib ah ee yimaada lagu bakhtiyo, waxa kale oo aanu keenay qalabkii bakhtiinayey haddii uu shiidaal Gubto.”.

Sidoo kale, waxa isna halkaasi ka hadlay Suldaan Axmed Daahir Muuse oo ka mid ah gudida horumarinta caasimada waxaana hadalkiisa ka mid ahaa  “waxaan halka ugu horayn aan aad iyo aad ugu mahad naqayaa madaxweynaha  jamhuriyad Somaliland, wasiirka maaliyad, wasiirka daakhliga , maayirka magaalad Hargaysa, Taliyaha ciidanka booliska,Taliyah Ciidanka xeebaha,  waxaan aad mahadnaq ugu celinayaa anigoo ku hadlaya magacii guddiddii oo aanu leenahay jazaakalaahu kher”.

Sidoo kale, waxa iyaguna halkaasi ka hadlay wasiirka Maaliyadda iyo Arrimaha gudaha, kuwaas oo soo dhoweeyey dab-damisyaddan.

Wasiirka Maaliyada Cabdicasiis Maxamed Samaale iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali warancade ayaa Maanta dhagax dhigay dhisme cusub oo loo dhisayo Xarunta Dabdamiska Dawlada Hoose ee Hargeysa.

 “Runtii Waxa maanta nasiib u yeelatay in caasimadii Dalka ee Hargeysa ay keento dab-damis xukumadu, runtii waa waxyaabaha ilalahay aanu ugu mahadinayno, ummadana in aanu waxa u qabanay ay arrintani ay  cadeynaysaa, runtii hawshani waa mid balaadhan oo wax badan soo kordhisay, runtii qalabkan markii ugu horeysay ee la keenay dalka waxa lagu soo bandhigay Xuskii 18 –May”ayuu yidhi wasiirka maaliyadda Samaale.

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed (Waran-cadde) ayaa isna hadalkiisa ku bilaabay “Runtii Mashruucani Waa Mid Billow ah, laakiin waxa lanaga sugaya Afarta Degmo ee Magaalada Hargeysa sidii aanu ugu sameyn lahayn Baabuur Dabdamis ah oo u gaar ah, waxa kale oo jirta in goboladii kale ee Somaliland ay u baahan yihiin Baabuurta Dabdamiska ah kuwaasi oo dabka dhib badani ay ka haysato, oo Magaalooyinka qaarkood Bakharadii ku yaalay labba Cisho gubanayaan”

Wasiirka Arrimaha Gudaha Cali Maxamed (Warancade) waxa kale oo bulshada u diray Farriin ku aadan hawsha Dabdamiska oo uu tilmaamay in aanay baabuurta goob walba joogin sidaasi daradeed haddii Baabuurtu ka soo habsaaman in aanay dadku shiidin iyaga oo ka xanaaqdan raagida laga raagay, waxanu tilmaamay in inta lahelayo Baabuur dabdamis oo xaafad walba yaala ay dadku u samraan oo aanay Dadka dabka la dagaalamaya aanay dhibaato kala hor iman, waxa kale oo Wadayaasha Baabuurta ugu baaqay in marka ay Maqlaan Dhawaaqa Baabuurta Dabdamiska, Kuwa Caafimadka ee Ambalaaska iyo Booliska in ay waddooyinka loo baneeyo, si hawsha ay ku degdegayaan ay hore ugu gaadhan, cidii amarkaasi ka hor timadan ay talaabo cadka qaadidoonan.

Si kastaba ha ahaatee, mashruucan dab-damis ayaa ahaa mashruucii ugu balaadhnaa ee ay si wada jira uga soo wada shaqeeyaan dawladda hoose iyo dawladda dhexe, kuwaas oo soo iibiyey gaadiid faro badan oo dab-damisyo kala duwan.