ICTIRAAF – Raadinta Wax Aan la Garaneyn: WQ/ Maxamed Cali Bille (Qeybtii 4)

0
1032

Picture1Heshiiskaa dulucdiisu waxa ay aheyd in saddexdaa jabhadood ay ridaan dawladdii markaa jirtey oo markaana ay iyagu abuuraan maamul cusub oo sadexdoodu u dhanyihiin. Si taa loo gaadho, waxa ay saddexda jabhadood qeybsadeed waajibkii dagaalka oo SNM waxa la yidhi soo xoreeya gobolada woqooyi. SPM iyo ina Cumar Jees na waxa la yidhi soo xoree gobolada koonfur gaar ahaan Jubooyinka ilaa iyo gobolka shabeelada hoose. Ceydiidna waxa waajib looga dhigey inu xoreeyo Dhuuso mareeb, Shabeelada Sare iyo Banaadir oo ay Muqqdisho ku jirto.

SNM inteedii wey ka soo baxdey. SPM na inkastoo aaney Jubada hoose ee Kismaayo si buuxda u wada qabsan, hadana intii badneyd wey qabsatey oo illaa afgooye oo Muqdisho 30 Kiloomitir u jirta ayay ciidankoodii soo dhigeenoo. Caydiid gobolada dhexe ilaa muqdisho uu qabsadey inkastoo duufaan siyaasadeed kaga kacay muqdisho dhexdeeda. Heshiiskaa saddexda jabhadood uu kala biiqbiiqay oo reer muqdisho waxa ay weerar ku qaadeen ina cumar Jees iyaga oo la xidhiidhinaya inu Siyaad Barre heybta guud la wadaago. Burco SNM waxa ay ku dhawaaqdey madaxbanaani buuxda oo Soomaliland yeelatey oo u dhiganeyd iney heshiiskii sadex geesoodka ahaa ka baxdey. Ceydiid waxa ku Kacey siyaasiyiin ay hogaaminayaan kooxdii “Manifesto” oo aheyd gaashaanbuur qabiilooyin badan ka kooban balse adeegsanaya Ali Mahdi iyo beeshiisa. Taasi waxa ay meesha ka sartey in SNM ay noqota awoodaha waaweyn ee Soomaaliya ka taliya, ciidan ahaan iyo siyaasad ahaanba.

Sanadkii 1992 ee uu General Ceydiid xoogga ahaa waxa uu Cabdirahmaan Tuur (AHUN) oo madaxweyne ka ahaa Soomaaliland u soo jeediyey inu la dhiso dawlad Soomaaliya ah oo ay badh iyo badh u qeybsadaan. Balse Abdirahmaan muu laheyn awood uu go’aan noocaan ah ku qaato, wadciga jireyna uumuu saamaxeyn oo umadda ayaa ka hor iman laheyd hadduu go’aan noocaas ah qaato.

Markii uu talada dalka qabtey Madaxweyne Cigaal (AHUN) waxa loo keeney hindise ah in Soomaaliland ku fadhiisato kursigii Soomaaliya ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa oo ay kumeel gaadh ahaan u sii ahaato dawladii Soomaaliya oo Cigaalna madaxweyne ka yahay, Hargeisina caasimada tahay. Hindisaha waxa marka horeba lahaa Madaxweyne Cigaal oo xidhiidh la sameeyey nin ay saaxiib ayaayeen oo uu ka codsadey bal inu arinkaa ka soo dhameeyo UN-ta. Ninkaasi waxa uu saaxiib la ahaa Xoghayaha Guud ee Jimciyadda Quruumaha ee xiligaa talada hayey, waanu soo dhameeyey arinkii. Hindisuhu wuxu ahaa iney Soomaaliland ku sii fadhiisato kursigii Soomaliya ay ku laheyd Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa oo ay iyadu metesho Soomaaliya. Waxa intaa sii dheeraa in Cigaal kolba sidii suuro gal ah u balaadhiyo dawladdiisa oo uu ku soo daro beelaha kale ee koonfurta. Cigaal wuxu u arkey iney tahay fursad weyn oo maanta Soomaaliya lagu xukumi karo, oo weliba haddii la doonana looga fushan karo rabitaanka Soomaaliland.

Cigaal wuxu hindisahaa soo hor dhigey golayiihiisii wasiirada oo ay markaa ku badnaayeen Saraakiil ka mid ahaa ciidamada SNM oo ay ka mid ahaayeen Dayib Gurey (AHUN) Muse Biixi, Abdirahman Aw Cali, Mohamed Kaahin iyo qaar kale. Hadalka uu Cigaal goliyihiisa iyo war baahintaba ka yidhi wuxu ahaa, “Waxa la inoo ogolaadey inan boodhka ka tumano kursigii Soomaaliya ee Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa ee maxaan yeelna”. Hindisihii Cigaal soo jeediyey lamaba sii wadwadin ee gaashaanka ayaa lagu dhuftey. Waxaaba loo arkey inu Cigaal badhxayo qadiyaddii Soomaaliland. Mey aheyn oo keliya golihiisa,  balse dadka oo dhan ayaa sidaa qabey.

Badhtamihii sagaashamaadkii waxa Hargeisa yimid Siyaasi ka soo jeeda Puntland oo la odhan jirey Kimiko iyo wiil uu dhaley madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Cabdirashiid Cali Sharmaarke (AHUN). Waxa ay la kulmeen madaxweyne Cigaal oo ay aqoon weyn iyo saaxiibtinimo ka dhaxeysey. Waxa ay madaxweynaha ku yidhaahdeen, meeshii Muqdisho aheyd talo kama soo jeeddo ee dawladii Soomaaliya halkan inooga dhis oo adna madax ka noqo anaguna Puntland ahaan an ku taagerno oo an kugu so biirno. Cigaal nimankii uu sooryeeyey, waxaanu ku yidhi umadeydu arinta meel ayay iska dhigtey maanta diyaar uuma aha. Sidii ayay nimankii Hargeisa kaga noqdeen.

Mudadii u dhexeysey 1995 illaa 1999, Soomaaliya fawdo siyaasadeed ayaa ka jirtey, balse waxa ay laheyd baarlamaan magac uun ah oo ahaa ashkhaas la isu soo ururiyey. Siyaasadda Soomaaliya xiligaa ka jirteyna waxa ay aheyd siyaasad ad moodo iney ganacsi ama hunguri ku dhisantahay oo qof walbaa dan gaar ah u ordayo. Waxa dhici kari laheyd in haddii lacag buuran iyo siyaasad kala qeybi ah lagu dhex tuuri lahaa Soomaaliya iney suuro geli laheyd in baarlamaankii Soomaaliya la soo hordhigo ajande ah in Soomaaliya iyo Soomaaliland ay isu aqoonsadaan laba dawladood oo madax banaan. Haddey taasi dhici laheyd waxa ay noqon laheyd dariiqa uugu sahlan ee aqoonsi ku heli laheyd Soomaaliland, in kasta aanan hubin in lagu wada guuleysan lahaa iyo in kale.

Haddaba an isweydiino iney jirto inaba wax fursad ah oo ay Soomaaliya ku Aqoonsan karto Soomaaliland oo madax Banaan iminka. Taasi iminka marnaba ma dhaceyso. Soomaaliya waxa ka jiraa kooxo tiro badan iyo siyaasiyiin tiro badan oo isku haya siyaasadda oo dano kala gaar ah wata oo dabada ku haya qabaa’il iyo kooxo diimeed. Sidaasooy tahay, Soomaaliya sida ay u dhantahay wey ka simantahay inaan wixii Soomaaliya la isku odhan jirey marna kala go’ayn. Waa arin ay Soomaaliya yar iyo weyn ka simantahay, suuro galna maaha iney mustaqbalka dhacdo. Reer Soomaaliya wey dhici kartaa iney waxa kale oo dhan isku diidaan, balse, midnimada soomaliweyn waa sheyga keli ah ee mideeya koonfurta Soomaaliya. Wey dhacdaa in marmarka qaarkood ay ashkhaas ama siyaasiyiin Soomaaliya ka socda ay soo booqdaan Soomaaliland sida guurtidii muqdisho ka socotey ee dhawaanta dalka soo booqdey, oo ay markaa yidhaahdaan “aad ayaanu uugu riyaaqney horumarka ay Soomaaliland gaadhey wanan taageersanahay”, oo laga yaabo iney raaciyaan weliba waan aqoonsanhay. Dadkaasi waxa ay sidaa u sameynayaan si ay dhagaha dadka reer Soomaaliland ee ay martida u yihiin maqasheeyaan waxa ay jecelyihiin iney maqlaan. Balse mid ka mid ma rumeysna mana taageerayo Soomaaliland oo Soomaaliya ka madax banana.

Haddii uu sidaa u cadyahay mawqifka Soomaaliya, muxuu yahay waxan wafdiyada labada dhan ka wada hadlaan marka ay shirarka isku yimaadaan? Labada dhan marnaba uumey suurto gelin iney si toos ah u wada hadlaan berigii hore. Waa dhowrkii sanadood ee u danbeeyey ee xukuumadda maanta Soomaaliland ka talisaa ay jirtey waxa wada hadaladani bilaabmeen. Sidaa darteed, labada dhan midkoodna ma rabo in loo arko inu fusadaha wada hadalka carqaladeynayo. Sida darteed ayay uuga wada hadlaan arimaha qabow ee ay ka mid tahay maamulka hawada iyo badda iyo budhcad badeedka. Waa dhulka ilaahey xukumo waxa laga wada hadlaa ee meelaha xasaasiga ah lama taabto. Waxa kale oo cad inaaney dhinaca  Soomaaliya iyo dawladaha dhexdhexaadinaya toona aaney ajandaha uugu jirin aqoonsiga Soomaaliland. Marka waxa laga wada hadlaa waa arimo guud oo dhaqaale iyo qeybsiga mucaawimooyinka ku saabsan, oo taa lafteeda qoloba sidii ay jeceleyd heshiiska u turjumato.

Umadda Soomaaliland go’aanka ay qaateen ee taladooda iyo dib u dhiska dalkooda ku maamuleen 23 sanadood ee ina soo dhaafey, muu jirin go’aaan kaa ka wanaagsan oo ay qaadan laheyd. Wey dhici kari laheyd iney jireen fursado kale oo wanagasani oo ama koonfur wax lagaga dhameysan lahaa ama caalamkaba. Balse marka hoggaanka siyaasadeed ee dalka soo marey aanu meel dhigin dariiq siyaasadeen oo gudaha dalka iyo caalamkaba ka shaqeynayaa. Marka aan siyaasiyiintii dalkan soo marey iyo qaar badano o imnka joogaa aaney laheynba ajende Soomaaliland la yidhaa oo aan aheyn xil qabo, intaa yare ee shicibku ku mitidey uunbaa ka xaasil ah. Balse, haddii ay jiri laheyd hogaamin siyaasadeed oo waafi iyo waaci ah, halkan meel ka sii fog ayaa la gaadhi lahaa.

Sidii ay qeybtii 3aad ee taxanahan ku sheegay, siyaasiga dalkan u dhashay indhah dadka ayuunbuu eega, ka bacdina halkaa dadku eegayo ayuunbuu farta uugu fiiqa. Haw iyo caqli kaleba inad isticmaasho kaamaba baahna. Adduunyada ma jiro hoggaan siyaasadeed oo ku socda rabitaanka shicibkiisa uun. Hogaan kasta iyo xisbi kastaa wuxu leeyahay barnaamij iyo meel uu ku wado dalkiisa iyo umadiisa oo isaga u cad. Waa dhab uu dhageystaa umadiisa si uu u furdaamiyo meelaha siyaasadda dalka iyo rabitaanka umaddo iska qaban waayaan. Balse halka umadi u guureyso waxa mas’uul ka ah hoggaanka siyaasadda. Umaddo waxa ay xaq u leedahay iney aayaheeda iyo iyo himiladeeda sheegato. Balse sidii lagu gaadhi lahaa umadda uuma taalo ee hogaanka umadda ayay u taalaa. Hoggaanka ayay u taala inu rabitaanka u turjuma wax ka shaqeynaya caalamka, wax ka shaqeynaya oo faa’iido ka keenaya Soomaliya iyo dawladaha jaarka ah, wax ka shaqeynaya Jimciyadda Quruumaha ka Dhexeysa. Hoggaanka siyaasiga ah ayay tahay inu rabitaanka shicibka u dhigo midabka iyo aragga iyo urta ka shaqeysa seyladda siyaasadda calamka.

 Gebogabadii, fursad ay Somaliya ku aqoonsato Somaliland weligeed la iskuma dayin laga midho dhaliyo ma muuqato mustaqbalka. Haddii ay inuun hore u timidna, lamaba tijaabin. Meshii kale ee ay Soomaaliland Ictiraaf ka eegi karto uun falowgeed ha yeesho.

Bile – Aqoonta U Adeegta Nolosha

bileaqoontaiyonolosha@gmail.com