Midowga Yurub Oo U Hanjabay Sheekh Shariif Iyo Hay’adaha Xukuumadiisa

0
1952

 

EU-logoUrurka Midowga Yurub ayaa digniin u muuqata mid kama dambays ah u diray dawladda Sheekh Shariif ee maamusha qaybo kooban oo ka tirsan Muqdisho.

Dadka wax falanqeeya ayaa dhawaaqa Midowga Yurub ku tilmaamay mid muujinaya quusta ay bulshada caalamku ka joogto dawladda Sheekh Shariif.

Mr. Roberto Ridolfi oo ah sarkaal sare oo ka tirsan ururkaas EU ayaa muujiyay sida uu uga walaacsanyahay xaaladda dawladdaasi ay ku sugantahay, “Ma sii wadi doono inaanu wax tarno dawlad aan waxba soo kordhinayn.” Ayuu yidhi sarkaalkaasi, waxaanu intaas raaciyay in midowga Yurub ay aad uga niyad xunyihiin dawladaas iyo wax tarkeeda.

Wadamo badan oo ah kuwa deeqaha bixiya ayaa hore u muujiyay sida ay uga calool go’een dawladaas Sheekh Shariif oo ay khilaafyo dhexdeeda ahi ragaadiyeen.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif, ayaa shalay hay’adaha Qaramada Midoobay ka codsaday inay u guuraan magaalada Muqdisho si buu yidhi ay wax u taraan dadka tabaalaysan, laakiin Qaramada Midoobay ayaa ka walaacsan xaaladda amni ee magaalada Muqdisho oo ah mid aad u adag.