Havoyoco Oo Soo Gebagebaysay Mashruuc Ku Saabsan Doorka Haweenku Ku Leeyihiin Nolosha Bulshada

0
620

 

Picture3Hargaysa (Geeska )- Hay’adda waddaniga ah ee HAVOYOCO, ayaa ku soo gunaanaday shalay magaalada Hargaysa mashruuc lagu dardargelinayey sidii kor loogu qaadi lahaa doorka haweenku ku leeyihiin nolosha bulshada, isla markaana uga qaybqaadan lahaayeen horumarka dalka ka socda.

Barnaamijkan oo socday muddo toddobaad ah waxa xafladdii xidhitaankiisa ka qaybgalay xildhibaanno ka tirsan Golaha Wakiillada Somaliland, Golaha Degaanka Hargaysa iyo masuuliyiinta HAVOYOCO.

Kamaal Xasan Isaaq oo ka mid ah masuuliyiinta HAVOYOCO oo gabogabdii kulnakaas warbaahinta la halay ayaa isaga oo si kooban u sharxaaya mashruucan lagu dardar galinaayo sidii kor loogu qaadi lahaa doorka haweenka ee ka qabqaadashda horumarka dalka waxa uu yidhi “Hay’adda waddaniga ah ee HAVOYOCO waxay muddo toddobaad ah wadday mashruuc wacyigalineed oo ku saabsan kor-u-qaadidda lammaanaha iyo sidii loo kobcin lahaa doorka haweenku ku leeyihiin bulshada, waxana iska kaashaday hirgelintiisa hay’adda UNDP iyo HAVOYOCO.”

Waxa kaloo uu xusay in hay’addiisu marar badan dumarka u qabatay aqoon-iswaydaarsiyo la xidhiidha doorka haweenku ka qaataan horumarinta doorka nololeed ee bulshada, gaar ahaan dumarka ku dhaqan xaafadaha caasimadda Hargeysa.

Kamaal Xasan waxa uu u mahadceliyey xildhibaanno ka kala tirsan goleyaasha Wakiillada iyo Degaanka Hargeysa oo uu sheegay inay gacan ka siiyeen hay’addiisa hirgelinta barnaamijkaas, isagoo masuuliyiinta kala duwan ee qarankana ku dhiirrigeliyey in ay si siman wax ugu qaybiyaan labka iyo dheddigga uu alle ku wada uumay dalkan.

Xidlhibaanadan ka tirsanaa golaha wakiilada iyo xildhibaanada deegaanka caasimada, ayaa iyaguna dhankooda soo dhaweeyay dhiirigalinta haweenka ee dhanka horumarka, waxaanay balan qaadeen inay kaalintooda ka qaadan doonaan.