Shirkadda Somtel Ayaa Daah-furtay Saamiyo Loogu Talo Galay Dadweynaha Oo Qiimahoodu Yahay $100

0
634

Hargeisa (Geeska) – Shirkadda is-gaadhsiinta Casriga ah ee Somtel ayaa daah-furtay saamiyo loogu talo-galay dadweynaha, qiimahoodu na yahay $100. Shirkada Somtel ee hormoodka is-gaadhsiinta iyo tignoolijiyada casriga ah, waxa ay macamiisheeda siisa adeegyo kala duwan oo ay ka mid yihiin,: ku- hadal, internet iyo sidoo kale adeegyo tigniloojiyadeed oo oo la xidhiidha horumarinta ganacsiyada iyo hay’addaha kala duwan.  Madasha daah-furka saamilayaasha waxa kasoo qaybgalay Madaxwaynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, isaga oo soo hambalyeeyay daah-furka saamiyada Somtel, sidoo kalena xusay faa’idada ay leedahay wax wada-lahaanshuhu.

Xaaji Maxamed Siciid Ducaale – Asaasaha, ahna Gudoomiyaha Shirkadaha Dahabshiil Group, oo ka hadlaya xaflada daah-furka saamiyada ayaa yidhi: “Waxa aan aad ugu faraxsanahay xiisaha iyo doonista la xadhiidha saamiyada, tan ayaa cadayn u ah in maalgashadayaashu ay u hanweyn yihiin, sida aanu ugu hanweyn nahay si la mid ah mustaqbalka Somtel.

Cabdirashid Maxamed Siciid Ducaale, Mareeyaha Guud ee Dahabshiil Group ayaa isna dhiniciisa tilmaamay muhiimada ay leedahay in saamiyada Somtel loo furo dadweynaha. Waxa aanu yidhi: “in maanta dadweynuhu ay maal-gashan karaan shirkadda, oo in muddo ah samanaysay koritaan iyo koboc wanaagsan, waxaa ay suurtogelinaysaa in ganacsigani noqdo mid hormood u noqda is-gaadhsiinta Geeska Afrika. Somtel waxa ay kor u qaadi doonta nolosha macamiisheeda, waxayna horumar gaadhsiin doonta ganacsiyo badan oo ku xidhan, kuwaas oo ay ka horumarin doonto dhinaca tigniloojiyada. Sidoo kale, waxaa aan meesha ka maqnayn in marxladani ay horseedi doonto shaqo-abuur badan.”

Fursadan maal-gashi ayaa Somtel u saamixi-doonta in ay noqoto ganacsi saamayn togan ku leh gobolka, maddaama oo suuqyada ay shirkadu ka hawl-gashaa yihiin kuwo samaynaya horumar iyo koboc dhaqaale. Somtel, hadda waxaa ay xoogga saari-doonta in ay dardargeliso daryeelka macamiisheeda. 

Ugu damabayntii, maamulka Somtel waxaa ay ku kalsoon yihiin in Shirkaddu faa’iido wanaagsan ku celin doonto saamilayda cusub.

Munaasibadda Daah-Furka Somtel Somaliland waxaa furay Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi. Wixii faahfaahin dheeri ah, ee ku saabsan shuruudaha IIBSIGA SAAMIYADA. Fadlan la xidhiidh xafiiska Saamiyada Somtel, adigoo isticmaalaya mareegta www.somtelnetwork.net ama www.somtelsomalilandshares.com macluumaadka xidhiidh ee hoos ku xusan.

 

Geeska.net/Hargeisa Office