Xildhibaan Ka Tirsan Guurtida Oo Ka Hadlay Xanuunka Covid-19, Abaaraha & Doorashooyinka

0
514

Hargeysa (Geeska) – Xildhibaan Saleebaan Garas Seed, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Guurtida Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda dalku halkay marayso, gaar ahaan  xanuunka covid-19, abaaraha ka jira deegaanada qaar  iyo Doorashooyinka isku sidkan ee sanadkan dhacaya.

Xildhibaan Saleebaan Garas Seed oo u warramay Wargeysa Geeska Afrika ayaa ugu horeyn isagoo ka hadlaya xanuunka Covid-19 wuxuu yidhi “Markii hore si fiican baynu u xakamaynay xanuunkan Covid 19  oo ah xanuunkan si fudud oo deg deg ah  u faafaya, oo dadkeenu si fiican bay u qaateen wacyigelintii Wasaaradda Caafimaadka, laakiin imika oo xanuunkii dib u soo laabtay oo waliba la sheegay inuu sidii hore ka khatar badan yahay, oo waliba dadka u dhintay ay sii badanayaan, dadku ku dhacayaana ay sii badanayaan, ayaa haddana waxaa muuqata in dadkeenu aanay ku baraarugsanayn wacyigelinta xanuunkan, iyadoo dib loo soo celiyey wacyigelintii, markaas waxaan dadka leeyahay ALLE oo qudha ayaa laga helaa caafimaadka, ALLE oo qudha ayaana xanuunkan inaga qaadi kara, ee ALLE baryadiisa aynu badino, oo ALLE cabsidiisa aynu joogtayno, oo ALLE aynu ka barino mar walba inuu inaga hayo xanuunada iyo masiibooyinka, dadkana waxaan kula talinayaa inay wacyigelinta si toos ah u qaataan, aadna isku ilaaliyaan”.

Mar uu ka hadlaayey abaaraha ayaa yidhi “Waa dhab oo deegaano ka tirsan dalkeena abaaro ayaa ka jira, ee ALLE ayeynu ka baryeynaa inuu abaaraha inaga dulqaado, oo abaarahaas uu inagu bedelo roob,ee dadkeena abaruhu sameeynta ku yeesheen ha loo gurmado, oo wax ha la taro, bishii Ramadaan oo ah bishii khayrka, bishii sadaqada iyo bishii soonka  fooda ayey inagu soo haysaa,ee dadkeenaas ay abaaruhu saamaynta ku yeesheen aynu wax tarno, oo aynu u  gurmano”.

Mar uu ka hadlaayey Doorashooyinka ayaa yidhi “Labadii Doorasho ee kala ah Doorashooyinka Wakiilada iyo Doorashooyinka Deegaanka ayaa inagu soo socda, isha allaahna mar ayey inoo wada dhici doonaa, ee ALLE waxaynu ka baryeynaa inay si khayr qaba oo nabadgalyo ku jirto, laguna wada qanacsan yahay inoogu dhacaan Doorashooyinku, ha la iska ilaaliyo  wax kasta oo khal-khal, kalsooni daro iyo cadaalad daro  ku keenaya Doorashooyinkeena”.

Geeska.net/Hargeisa Office