Jiir Afrikaan Ah Oo Ku Guulaystay Billad Sharaf Dhab Ah

0
1012

Jiir Afrika ku nool ayaa billad dahab ah oo caan ah lagu abaal mariyey kaddib markii uu gacan ka geystay miino baadhis lagu samaynayey dalka Cambodia.

Jiirkan oo lagu magacaabo Maqaawi ayaa muddadii uu hawsha miino baadhista ka qaybqaadanayey waxa uu baadhayaasha ku hagay 39 miinooyinka dhulka lagu aaso ah, iyo walax hub aan qarxin ah.

Jimciyadda samafalka xayawaanka ee boqortooyada Ingiriiska oo magaceeda loo soo gaabiyo PDSA ayaa biladdan dahabka ah ku abaal marisay jiirka, kaddib markii ay u aqoonsatay in uu dadaal iyo hawl geliyey sidii uu aadamaha uga badbaadin lahaa khatarta miinada.

Jiirkan oo da’diisu 7 sano tahay waxaa miino baadhista ku tabbaray ururka samafalka ee Apopo oo ka diiwaangashan dalka Beljam.

Hay’ad lagu magacaabo Hero Art oo tan iyo sagaashamaadkii mino baadhka ka shaqaynaysay ayaa adeegsata jiirka oo dareenkiisa lagu tabbaro in uu uriyo miinada, kaddibnta inta lagu sii daayo aagga miinaysay uu isagu hadba halka miino ku jirto ku hagayo kooxda mina saarka.

Hay’adda ayaa sheegtay in tababarka iyo diyaarinta jiirka miinasaarka ahi ay qaadato hal sano oo keliya, jiirkan hadda la abaalmariyeyna waxa uu ka mid yahay jiirar ay hay’addu ka soo qaadatay dalka Tansaaniya ee beriga Afrika.