Shirkadda Shidaalka Ee Red Sea Petroleum Oo Qiimo Dhimis Ku Samaysay Naaftada

0
858

 

Picture4Hargeysa ( Geeska )-Shirkada shidaalka ee Red Sea Petroleum ayaa daboolka ka qaaday inay qiimahii ugu hooseeyay siinayso foostada naafatada ah, waxaanay shirkadu macaamiisheeda u shaacisay in ay foostada naafatada ah ay ka siin doonaan 178 Dolar.

Waxa sidan wargayska Geeska Afrika ugu waramay Barkhad Axmed Yaasiin oo ka mid ah maamulka shirkada Red Sea, oo sida oo kalena sheegay in aan shirkada shidaalka ee HASS aanay qiimaha naafatada hoos u dhigin 15 dolar oo dhan balse ay  hoos u dhigtay 4 dolar oo kaliyaata, qiimo jabintana ay uga horaysay shirkada Som petroleum oo foostada naafatada ah oo maraysay 195 ka dhigtay 186 dolar.

Ganacsade Barkhad Axmed waxa uu warbixin kooban ka baxiyay shirkada Red Sea oo iyadu arimaha shidaalka wakhti dheer ku hawlanayd, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay sidan “ Waxaan doonayaa inaan warbaxin kooban idinka siiyo halka xaalada shidaalka dalku maraayo, anaguna waxaanu nahay shirkada shidaalka ee Red Sea la yidhaado waxaanu arimhan  shidaalka ku hawlanayan 16 sanadood, khibrad dheerna waanu u leenahay shidaal tayo lenaha waanu keenaa dalka.”

Ganacsade Barkhad Axmed oo hdalkiisa sii wataa waxa uu yidhi “ Waxa dhacay in naafatadu  markii anaga iyo shirkado kaleba ay ka go’day in ay qaaliyowday oo ay foostadii noqotay 195 Dolar oo dadkuna ay aad u dareemeen, halka baatroolka  oo noo yaalay oo aan go’in aan isaga waxba lagu kordhin.markaas iyada oo ay sidaas tahay ayay saddex markab isku soo gaadheen  Dekeda, markabkii ugu horeeyay waxa keentay shirkada la yidhaado Sompetroleum markaas waxay ka riday 9 doldar waxaanay foostadii naafatada ahayd ka dhigeen  $ 186, iyada oo halkaas uu maraayo ayay shirkada Hass shalay markii ay bilawday iibka naafatada  ayay ku bilawday $ 182 foostadii markaas waxay ka riday 4 doolar oo kale, waxa anaguna haddaanu nahay Red Sea aanu ugu bushaaraynaynaa macaamiisha inaan 4 dolar ka sii ridnay oo aanu ka dhignay foostadii naafatada hayd 178. Qiimaha shidaalkuna waa uu is badbadalaa markaas waxaanu macaamiisha leenahay maanta qiimaha foostada naafatada ah aanu idinkaga iibinaynaa  waa 178 dolar foostadii. Waxaanan halkan idiinka cadaynaynaa in shirkada shidaalka ee Hass aanay 15 dolar ka dayn foostafa naafatada ah   ee ay 4 dolar oo kaliyaata ka daysay,  markaa waxaanu laanahay dhamaan shirkadaha shidaalka  ganacsiga oo runta laga sheegaa inay  tahay qiimayn wanaagsan oo sida ay wax u jiraana in loo sheegaa ay haboontahay.”