Madaxweyne Siilaanyo Oo Sheegay Inaanay U Qorshaysnayn Inuu Abu Dhabi Kula Kulmo Madaxweynaha Somaliya

0
488

 

Picture5Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa shalay u ambobaxay dalka Imaaraadka Carabta, ka dib markii uu martiqaad rasmi ah ka helay.

Madaxweynaha Somaliland oo madaarka Berbera ugu waramayay warbaahinta ayaa tafaasiil ka bixiyay socdaalkiisa, waxaanu yidhi “Waxaan u ambo-baxaynaa dalka Imaaraadka carabta, halkaasi oo nalaga marti-qaaday. Waxaanan muddo gaaban ku maqnaan doonaa dalkaasi Ishaalaah. Martiqaadkan naloo fidiyay oo ah mid ku saabsan saaxiibtinimadda labada dal.”

Madaxweynuhu waxa uu sheegay inay ku farxeen marti-qaadka Imaaraadka carabta, waxaanu yidhi “Waxaanu ka soo wada hadali doonaana waa danaha iyo wax wada qabsiga iyo wax is weydaarsiga labada dal.Marti-qaadkanna waa mid aanu aad iyo aad ugu faraxnay. Waxaana aanu filaynaa inuu noqdo mid labada dalba ka faa’iidi doonaan wanaaga, saaxiibtinimadda iyo shaqaynta inaga dhaxeysa ee dhinacyada badan leh, ”ayuu yidhi Madaxweyne Axmed Siilaanyo.

Madaxweynaha Somaliland waxa uu intaasi ku ladhay “Markaa Inshaalaahu waxaanu rajaynaynaa in socdaalkani noqdo mid aflaxa oo aynu ku guulaysano.”

Madaxweynaha oo la weydiiyay inay dawlada imaaraadka carabta ka wada hadlayaan qodobadii ay hore uga wada hadleen iyo inuu jiro qodobo cusub oo ay ka wada hadlayaan labada dhinac, waxaanu yidhi “Wixii hore looga wada hadlay iyo wax cusub-ba waa laga wada hadli doonaa inshaalaahu Tacaalaa. Waxaanu socdaalkayagu qaadan doonaa laba illaa sadex cisho.”

Madaxweynaha Somaliland oo ka  jawaabayay su’aal la xidhiidhay inay la kulmayaan madaxweynaha Soomaaliya iyo in kale, waxa uu ku jawaabay “Balan naloo balan qaaday oo la yidhi cid baad la kulmaysaan ma jirto, wax meesha ku jirana ma aha. Annaguse haddii aanu cid la kulmayno wixii danta Somaliland ku jirto ay meel walba waanu ka sheegaynaa. Dantayadda waanu ka hadli karnaa. Laakiin wax naloo sheegay iyo wax naloo balan qaaday midna ma jirto.”

Waxa weftiga madaxweynaha xubno ka ah guddoomiye xigeenka golaha wakiilada Md. Baashe Maxamed Faarax, Wasiirka Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, Wasiirka Maaliyadda Mudane C/Casiis Maxamed Samaalle, Wasiirka Beeraha Mudane Faarax Cilmi Geedoolle, Wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar, Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Mudane Muuse Biixi Cabdi, Wasiir Ku xigeenka Warfaafinta Mudane Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse), Wasiir Ku Xigeenka caafimaadka Marwo Nimco Xuseen Qawdhan iyo qaar ka mid shaqaalaha madaxtooyada.