Shirkadda SBI Oo Markii Labaad Daah-Furtay Barnaamijka Cab Oo Sadaqadayso Ee Ramadaanta

0
646

Picture3Hargeysa (Geeska)-Shirkadda Waddaniga ah ee soo saarta sharaabka Coca Cola ee  SBI, ayaa markii Labaad si rasmiya u daah-furtay dibna u bilowday barmaamij loogu magac-daray Cab oo Sadaqeyso oo socon doonna bisha barakaysan ee Ramadaan, kaas oo lacagta ka soo baxda loogu deeqi doono xarunta Agoomaha ee caasimadda Hargeysa. Munaasibadii si heer sare ah loo soo agaasimay oo lagu shaacinaayey barnaamijkan oo lagu qabtay Xafiiska SBI ee Magaalada Hargeysa,  ayaa waxa ka soo qeyb-galay mas’uuliyiin ka tirsan shirkada SBI, culimo awdiin, madax ka tirsan wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland iyo Masuuliyiin ka socday Xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.

Madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Shirkadda SBI  Maxamed Naasir Cali, oo isagu ugu horeyn munaasibadaas ka hadlay ayaa faahfaafin ka bixiyey isla markaana  sharraxay barmaamijkan, waxaana uu sheegay in Lacagta laga soo ururiyo loogu talo galay in la siiyo Xarunta Agoomaha ee Hargeysa.

“Barnaamijkani waa khayri sida aad ogtihiina hore shirkadda SBI waxay qabatay barnaamij la mid ah kan oo ay hirgelisay sannadkii hore, waxaanna la yidhaa Cab oo sadaqdayso, taas oo macnaheedu tahay in qof kasta oo caba sharaabka SBI uu sadaqadaysan doono Konton Shilin oo ka mid ah lacagta uu siistay Sharaabka, loona ururin doono agoomaha oo la siin doon, sannadkana waxaannu ugu talogalnay xarunta Agoomaha ee magaalada Hargeysa.”.Ayuu yidhi Md.Maxamed Naasir Cali.

Md.Maxamed Naasir Cali oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa waxaa uu yidhi:“Waxaanu doonaynaa in carruurtaas agoonta ah ee ubadkeenna oo kale ah inay dareento farxaan markay Ramadaantu dhammaato ee Ciidu soo gasho. shirkadda SBI waxay ku dedaashaa in macaamiisheeda iyo dadweynaha isticmaala sharaabkeeda inay ku celiso qayb ka mid ah wixii ay ka iibsadeen, tanina waxay ka mid tahay barnaamijyada shirkaddu ugu talo-gashay dadweynaheeda si dib ugu celiso, weliba barnaamijkani waa mid khayriya, maadaama oo aynu ku jirno bishii barakaysnayd ee Ramadaan oo ah xilligii sadaqada la bixinayey oo ay ajar laban-laab ah leedahay, waxaanan ugu talogalnay barnaamijkan inay dadku ka faa’iidaystaan, shirkadduna ay ka faa’iidaysato, dadkuna waxay sadaqadaysanayaan konton shillin oo noqon kara marka la ururiyo lacag badan,” .

Madaxa Iibka iyo Suuq-geynta ee Shirkadda SBI  Maxamed Naasir Cali ayaa waxa kale oo uu  sheegay in lacagta barnaamijkan lagu ururinayaa aanay ahayn mid la dul saarayo qiimaha sharaabka ee uu ahaanayo qiimihiisii hore, balse laga jari doono lacagta shirkaddu qaadanayso.

Agaasimaha qaybta Fatwada ee Wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland Sheekh Yuusuf Cabdi Xoorre, oo isna ka hadlay Munaasibadaas  ayaa soo dhaweeyey barmaamijkan shirkadda SBI ee bisha Ramadaan.

“Qof wixii uu cunay ama cabbay sadaqaysana waa cajiib, berigii hore qofku waxa uu cabo sadaqad muu geli jirin, laakiin iminka shirkadda SBI waxay tidhi wixii aad adigu cabtay sadaqad ayaa ku jirta. Dadka baahan gaar ahaana agoomaha waa dadka xaqa u leh in sadaqada la siiyo, waana dadka aadka ugu baahan in la gacan qabto oo la siiyo, lagana farxiyo. Shirkadani waxay aad cajiib ugu noqotay habkan sadaqaysiga ee aan markii hore la garanayn, laakiin markii la bilaabay lagu guulaystay oo lacag badanina ka soo baxday, dadkii la siinayeyna wax badan ayey tareen, waanan ku bogaadinaynaa barnaamijkan ay wadaan,”.Ayuu yidhi Sheekh Yuusuf Cabdi Xoore.

Guddoomiyaha xarunta Agoomaha Hargeysa Sheekh Siciid Cabdi Gaboobe, ayaa isna u mahadceliyey masuuliyiinta shirkadda SBI oo uu xusay inuu wax ka tari doono baahiyaha haysta carruurta ku jirta, waxaannu yidhi, “Baahiyaha ka jira xarunta Agoomaha Hargeysa way badan yihiin, laakiin shirkadda SBI ayaa soo bandhigtay firkadan aadka u barakaysan ee in dadkeennu caawiyaan dadka taabalaysan. Waxa keentay baahi, annaguna codsi ayaanu u gudbinay shirkadda SBI oo iyaguna si fiican u ajiibay, iyadoo sannadkii horena barnaamijkan oo lagu baahiyey dalka oo dhan xaruntu ay ka heshay $2500, taas oo ahayd lacag ay aad ugu baahnayd. Waxaannu Ilaahay ka rajaynaynaa inuu shirkaddaas xoolaha yaal u barakeeyo, sharkana ka ilaaliyo, dadweynahana waxaan ku boorinayaa inay iibsadaan sharaabka shirkaddu soo saarto.”.