Cabdiraxmaan-Cirro Oo Xukuumadda Iyo Xisbiyaga Uga Dheereeyay Ciyaaraha Dhallinyarada Iyo Afurista Dadka Baahan

0
564

Picture2Hargeysa (Geeska) -Guddoomiyaha Xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa maalmahii ugu danbeeyey ku kaliyeystay kala-qeyb-galida dhalinyarada Tartanka Koobabka la ciyaarayo bisha barakeysan ee Ramadaan, inkastoo gudoomiye xigeenka xisbiga kulmiye iyo wasiirka ciyaaruhu shalay isla garoonka Xawaadle ka fureen tartan, kooxana hadyado gudoonsiiyeen, iyadoo uu xisbiga waddani maalmihii la soo dhaafay goobaah ciyaara ku galiyeystay. Xisbiga Waddani waxaa kale oo uu u sii dhawaanayey kasbashada kalsoonida doorka Dhalinyarta iyo Ciyaaraha, isaga oo qaar ka mid ah dhalinyarta ciyaartoyda ah ee ku dhaqan Hargeysa iyo kuwa Gobalada kaleba uu ugu deeqay Agab Ciyaareed oo isagu jira Direyska lagu ciyaaro iyo Kubaddaba. Md.Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro), ayaa Kowdii bisha Ramadaan Furey Tartanka Koobka kubadda Cagta bisha Ramadaan ee Xawaadle, isaga oo sida oo kalena dhalinyarta halkaas ku ciyaaraysay guddoonsiiyey agab ciyaareed oo isagu jiray Direys iyo Kubado. Guddoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Ciro, ayaa sida oo kale muddooyinkii danbe waday qorsheyaal uu bulshada uu kulamo toos ugu la yeelanaayo kuwaasi oo uu badidooda ugu kuur galaayey xaaladooda nololeed, waxaana uu booqasho ku tegay meelo ka mid ah suuqyada waaweyn ee Hargeysa, Maqaaxiyaha laga shaaheeyo, Xaafada Sheekh Nuur iyo sida oo kale socod uu ku dhex maray Saribada-weyn ee xaafadaasi Sheekh Nuur,

Waxa kale Xisbiga Waddani uu Xukuumada iyo Xisbiyadii kale kaga horeeyey Barnaamijka uu bisha barakeysan hordhac uga dhigay oo lagu afurinayo dadka Masaakiinta ah iyo danyarta kaas oo loogu magac darey La Afur Waddani, waxaanu barnaamijkaasi indhaha usoo jeedinayaa naxariista uu uga calool furan yahay Xisbigan iyo hoggaankiisu shacabka oo Xukuumadda talada xiligan haysa oo ay awoodi karayso intaas iyo in ka badanba in ay la wadaagto bulshadeeda. Ugu danbeyntiina talaabadan Xisbiga Waddani uu ku kasbanaayo qeybaha kala duwan ee Bulshada, ayaa qeyb ka ah dedaalada gudoomiyaha Xisbiga Waddani Md.Cabdiraxmaan Ciro uu ugu jiro in uu kaga gacan sareeyo dhinacyada Siyaasada ee ay ugu horeyso xisbiyada kale ee KULMIYE iyo UCID.