Madaxweyne Obama Oo Safar Ku Imanaya Wadanka Itoobiya

0
538

Picture4Washington(Geeska/w.Wararka)-Madaxweynaha Maraykanka Barak Obama ayaa booqashadiisii u horaysay ee isagoo madaxweyne ah ku imanaya wadanka Itoobiya.

Aqalka cad ee Maraykanka ayaa sheegay in Madaxweyne Obama safarka uu bariga Afrika ku imanayo bisha dambe ee Jully uu lugtiisa u dambaysa ku mari doono wadanka Itoobiya, isagoo magaalada Addis Ababa kulamo kula yeelan doona madaxda wadanka Itoobiya iyo weliba madaxda Midowga Afrika.

Markii hore ee uu aqalka cad shaaciyay wadamada uu Madaxweyne Obama booqan doono laguma darin wadanka Itoobiya, waxase ay Itoobiya u muuqataa in dedaal diblomaasiyadeed oo ay samaysay ka dib ay ka mid noqon doonto wadamada uu Madaxweyne Obama booqan doono ee Bariga Afrika, isagoo sidoo kale booqan doona wadanka Kenya ee uu asal ahaan ka soo jeedo.