Shirkadda Sagal Jet Oo Xarun Ka Furatay Magaalada Burco

0
728

 

Picture1Burco( Geeska )- Shirkada daabacaada Boodhadhka iyo xayaysiisyada ee SAGAL JET, ayaa markii ugu horaysay xafiis si rasmiya uga shaqayn doona daabacaada ka furtay magaalada Burco.

Xaflad balaadhan oo furitaanka xaruntan lagu shaacinayay  ayaa lagu qabtay Hotel Deero ee magaalada Burco, waxaana ka soo xaadiray maamulka gobalka,Ganacsato, Siyaasiyiin, Salaadiin iyo Marti sharaf kale. Waxaan tiro badan oo dadkii xafladaas ka hadlay ayaa soo dhaweeyay inay shirkadani xafiis ka furato magaalada Burco oo aan hore u lahayn goob laga daabaco xayaysiisyada iyo boodhadhka oo wakhtigan ay baahi weyn u qabaan.

Gudoomiyaha gobalka Togdheer Axmed Cumar Xaaji Cabdilaahi (Xamarji), oo halkaas hadal kooban ka jeediyay ayaa soo dhaweeyey shirkadan iyo aadeega ay u fidinayso dadka gobalkaas waxaana hadaladiisa ka mid ahaa “Aad baan ugu faraxsanahay in gobolkaygii ay shirkadan SAGAL JET xafiis ka furato waxaanay kusoo kordhisay horumar,waxaanan dadwaynaha reer Burco guud ahaan Gobolkaba aan u soo jeedinayaa inay shirkadan si wanaagsan uga daabcdaan maadaama halkan laydiinka furay,waxaan ugu danbayn  shirkada kula dardaarmayaa inay ka feejinnaadaan wixii dhaqankeena suuban iyo diinteena wax u dhimayana aanay daabicin.”

Maamulka Guud ee shirkada SAGAJ JET Cabdi Yuusuf Aar ayaa intaas ka dib bilaabay inuu faahfaahin ka baxiyo adeegan ay ku soo kordhiyeen magaalada Burco iyo waxyaabo kale, waxaan hadaladiisa ka mid ahaa “ Shirkad SAGAL JET waa shirkad daabacadeed,waxay daabacdaa Xayaysiinta,Boodadhka iyo Buugaagta,anagu SAGAL JET ahaan waxaanu aayn shirkadii ugu horaysay ee daabacaada casriga  ee dhijitalka ah ka hirgalisa wadanka ,Burco ama Gobolka Togdheer waxaanu wax uga soo daabici jiray Magaalada Hargaysa,waxa markii hore dhibaato ka haysatay Gobolada bariga oo dhan gaadhi baa la soo saari jiray hadii uu doono gaadhigaasi wuu iskala maqnaanjiray,baahidaas awgeed ayaa keentay inaanu keeno madbacadii wax lagu daabacayay,oo hada saacadan laga bilaabo ay dhacayso hadii aad iminka wax ka dalbato saacad ka dib in lagu siinayo,waxaanan jecelaay oo balan qaadaynaa inaanu ka qayb qaadano horumarka Gobolka iyo dalabka,waxan leeyahay dadwaynaha reer Burco iyo Gobolada kale ee sagaag,sool iyo Buhoodle idinkuna waa in aad ka faa’iidaysataan jaaniska, waayo meeshiinii baanu idiinku keenay,waxaan halkan noo jooga wakiilkayagii hore oo ahaa nin muhiima,dinaca kalena waxay kale oo keenaysa shaqo abuur,hadii shan qof ka shaqo galaan, waxaa kale oo waxyaabaha shirkadu qabato aanu ku soo kordhinay daabacaada Buugaagta abwaano badan baana halkan inala jooga oo markii hore Buugaagta waxaa lagu soo daabici jiray dibadaha. Buugayagii ugu horeeyay waxa uu ahaa Buugii Ibraahin Gadhle” ayuu hadalkiisii kaga baxay maareeyaha shirkada Sagal jet.

Shirkadan SAGAL JET ayaa noqonaysa shirkadii ugu horaysay ee xafiis daabacaada boodhadhka iyo xayaysiisyada ka furta magaalada Burco, waxaanay magaalada Burco xafiiskan ka hor ka daabacan jirtay boodhadhaka iyo waxii xayaysiis ah magaalada Hargeysa.