Madaxweyne Siilaanyo Oo Jimcaha Beri Socdaal Ku Tagi Doona Daka Imaaraadka Carabta Oo La Filayo Inuu Kulan Kula Yeesho Madaxweynaha Somaliya

46
636

 

 

 

Picture3Hargeysa(Geeska)-Madaxweynaha Somaliland Md. Axmed Maxamed Siilaanyo, ayaa la filayaa inuu Jimcaha beri u socdaalo dalka Imaaraadka Carabta. Sidaas waxa Geeska Afrika u xaqiijiyay warar xogogaala oo uu helay.

Wararka uu Geeska Afrika helay, waxay sheegayaan in socdaalka Madaxweyne Axmed Maxamed Siilaanyo salka ku hayo bilowga wejiga labaad ee wada hadalka Somaliland iyo Somaliya, oo la filayo inay maalmaha soo socda ku kulmaan Madaxweynaha Somaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo isna u socdaali doona dalka Imaaraadka Carabta. Si rasmi ah looma garanayo qodobada wada hadalka lagu bilaabi doono, waxase la ogyahay in kulankan muddo laga shaqaynayay.

Wada hadalkii Somaliland iyo Somaliya ee ka bilaabmay dalka Ingiriiska, ayaa u muuqda inuu u soo guuray wadanka Imaaraadka Carabta, oo la ogyahay halka uu ka taaganyahay qaddiyada Somaliland.

Geesta kale, wuxuu wada hadalkani ku soo beegmayaa iyadoo ay dawladda Somaliya ka codsatay dawladda Maraykanka in xasaanad diblomaasiyadeed loo soo celiyo Maxamed Cali Samatar, oo ay maxkamad Maraykan ahi ku heshay xasuuqii loo gaystay shacabka Somaliland.  Dawladda Somaliland ayaa lagu dhaliilay qaabka ay uga hadashay dalabka dawladda Somaliya iyo weliba inaanay wax tallaabo ah qaadin.

Wargeyska Geeska Afrika, ayaa horaantii bishan baahiyay inay Madaxweynayaasha Somaliland iyo Somaliya, dhawaan ku kulmi doonaan dal Carbeed, oo uu Wargeysku wakhtigaas sheegay inuu noqon doono laba dal midkood, kuwaas oo kala ah Qatar iyo Imaaraadka Carabta.

 

 

Comments are closed.