Warbixin Laga Diyaariyey Xanuunada Laga Dhaxlay Dagaalkii Ciraaq Oo Hadafkiisu Ahaa Shidaal

0
710

 

lolBaqdaad (Geeska/Grist)-“Qubitaanka hubka Yuraaniyamka xumaaday  waa arrin wanaagsan adeegsigeeda, markaad dagaal gelaysid, maadama ay kuu qorshaysan tahay inaad argagax gelisid jiilasha soo socda dhalan doona. Hawo-doorsoonka ay sababeen walxo ciidameed ayaa la filayaa inay sabab u yihiin korodhka caruurta curyaanimada ku dhasha, iyo dhamaan wax la xidhiidhka cudurka Kansarka ee Ciraaq, laga soo bilaabo markii dagaalkii Khaliijku bilaabmay 20 sannadood hortood.” Sidaa waxa lagu bilaabay warbixin Aljasiira, ka diyaarisay aafooyinkii laga dhaxlay dagaalkii Khaliijka, 20 sannadood dabadeed.

Tobankii sannadood ee u dambeeyey dagaalka Ciraaq, gaar ahaan, dhaqaalahii loo adeegsaday, wax wanaagsan ayey gaadhsiin lahaayeen, halka ay dileen 190,000 kun oo qof, tiro yar oo burburkii laga ogyahay.

“Baadhitaanka saraakiisha Ciraaq sameeyeen, ka hor bilowgii dagaalka Khaliijka aya muujinaya in tirade dadka qaba xanuunka Kansarku ahaa 100 kun ee qofba 40 qabeen xanuunkaa,” sida Al Jazeera sheegtay. “Sannadkii 1995, waxay sare u kacday 800, halka 2005, noqdeen in 100 kun ee ciraaqi ahi cudurka kansarka qaadaan 1,600 qof. Taasoo ka dhigan in korodhka dadka xanuunka kansarku ku dhaco Ciraaq 500 jeer ka badan tahay inta dadka Maraykanka uu ku dhaco.

Inkastoo tirooyinkaasi muujinayaan walaac weyn, haddana, yaraanta warbixino sugan, iyo cadeymo, ayaa tirade rasmiga ah ee dadka qaaday xanuunka Kansarka iyo xanuunada kale u muuqdaan kuwo ka badan tiradan la hayo.

“Tirada dadka qaaday xanuunka Kansarka ayey adag tahay in la helo, maadama boqolkiiba konton xarumaha caafimaadka dawladu maamusho,” ayuu u sheegay Dr Salah Haddad, Al Jazeera. “Badhka kale xarumaha caafimaadka wa akuwo gaar loo leeyahay, halkaa soo ay adag tahay in warbixino laga helo, markaa dhamaan tirooyinka Ciraaq waa in la laba-jibaaro. Tiro kastoo dawladu soo saarto waa badh.”

Dr Haddad ayaa sheegay inuu rumaysan yahay xidhiidh toos ah oo ka dhexeeya korodhka xanuunka Kansarka iyo xadigii duqeymaha ee ciidamada Maraykanku ka geysteen meelo gaar ah.

“Anniga iyo saaxiibaday waxaan dareenay korodhka magaalada Faluuja ee xanuunada caruurta naafada ah, ma dhaleysnimada, iyo dhiigyaraanta,” ayuu yidhi. “Magaalada Falluja, waxaa mushkilad ku haya sumahii ay keeneen duqeymahii Maraykanku, sida kuwii Yuraaniyamka.”

Khubaro kale ayaa sheegay in Faluuja lagu arkay, “Xadiga ugu sareeya unugyada xumaada bulsho weligeed la baadhay,” halka baadhitaano kaloo lagu sameeyey deegaankeeda lagu ogaaday xadiga wasakhowga walxahii duqeymahu ku abuureen.

Balse, waxaynu ilownay sababta dhmaan hubkaa halsita ah loogu duqeeyey bilowgiba, khabiir shidaalada, Antonia Juhasz ayaa xusuusiyey CNN:

Shidaal, keliya ma ahayn ujeedadii dagaalka Ciraaq, balse shaki la’aan udub dhexaadkii, sida saraakiil sare oo ciidamada Maraykanku iyo siyaasiyiin kale cadeeyeen, sannadihii ka dambeeyey weerarkaa.

“Xaqiiqada, waxuu ahaa ujeedo shidaal, ma dafiri karo arrinkaa,” ayuu yidhi Gen. John Abizaid, madaxii hore ciidamada Maraykanka Ciraaq, 2007. Gudoomiyahii hore Baanka dhigaalka,  Alan Greenspan ayaa ku raacay, isagoo xusuus-qorkiisa ku sheegay, “Waan ka murugoodaa in siyaasiyan aan u dafiro arrin qof walba ogyahay. Dagaalkii Ciraaq badi ahaan waxuu khuseeyey shidaal.” Sidoo kale, xildhibaan,  Chuck Hagel, oo xilligan ah wasiirka Gaashaandhiga Maraykanka, ayaa sannadkii 2007, cadeeyey, “Dadku waxay yidhaahdaan shidaal umaanu dagaalamayn. Xaqiiqdii waan u dagaalamaynay.”