Shirkadda Sagal Jet Oo Maalgelisay Daabacdayna Buuggaag Loogu Baroor-Diiqay Marxuum Gaariye

15
851

Picture3Hargeysa (Geeska)-  Xus ballaadhan oo loogu baroor-diiqay  sannad-guuraada 1aad ee ka soo wareegtay geeridii Allaah ha u naxariistee abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye), ayaa toddobaadkan lagu qabtay hoolka shirarka Hay’adda Shaqaalaha ee magaalada Hargeysa, iyadoo halkaasna lagu soo bandhigay laba buug oo shirkadda Sagal Jet daabacday oo laga qoray marxuum Gaariye.

Xuskan oo ahaa mid si heersare ah loo agaasimay, waxa ka qaybgalay qoyska marxuum Abwaan Gaariye oo ay ka mid ahaayeen afar hablood oo uu ifka kaga tagay, masuuliyiinta saddexda xisbi qaran ee KULMIYE, WADDANI iyo UCID, wasiirro xukuumada ka tirsan oo kala ah wasiirrada duulista Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo waxbarashada marwo Samsam Cabdi Aadan, masuuliyiinta shirkadda Sagal Jet Cabdi Yuusuf Aar, Sonyo, Md. Boobe Yuusuf Ducaale oo ka qaybqaatay qoraalka labada buug ee la soo bandhigay, abwaano, hal-abuur iyo martisharaf kala duwan oo lagu martiqaaday.

Maamulaha Shirkadda daabacaada Sagal Jet Mr. Cabdi Yuusuf Aar, kana mid ah mulkiilayaasha shirkadaas oo xafladaas hadal ka jeediyey, ayaa ka xogwaramay taariikhda faca weyn ee marxuum Abwaan Maxamed Xaashi Dhamac (Gaariye) iyo doorka shirkadoodu ka qaadatay daabacada labada buug  oo mid ka mid ah muj. Boobe ka qoray marxuum Gaariye, halka mid kalena door ka qaatay soo bixidiisa,  kuwaasoo kala ah; Hagar-laawe oo ah buug lagu ururiyey maansooyinkii marxuumka iyo buugga kale oo ah; Il-maddii Hal-abuurka oo koobsatay maansooyinkii iyo qoraaladii laga qoray geerida marxuum Maxamed Xaashi Dhamac Gaariye, kaasoo Muj Boobe Qoray.

Waxaannu Mr. Cabdi Yuusuf Aar ballanqaaday in shirkadoodu ka qaybqaadan doonto wixii daabacaad ah ee laga qorayo dadka taariikhda iyo magaca ku leh dalka Somaliland si dhaxal looga reebo, isla markaana ay noqdaan dhaxal waxtar u noqda jiilasha ka dambeeya.

Guddoomiyaha dallada dhallinyarada Somaliland ee SONYO Mr. Mubaarig Ismaaciil Taani oo isna xafladaas hadal ka jeediyey ayaa sheegay inay dhallinyaro ahaan uga qaybqaateen xuska loo sameeyey sannad-guurada 1aad ee ka soo wareegtay geeridii marxuum Gaariye, isagoo xusay in marxuumku door muuqda oo firfircoon ku lahaa horumarinta dhallinyarada Somaliland, isla markaana uu marxalado adag kala soo dabaashay da’yarta, waxaannu dhallinyarada ugu baaqay inay racaan raadkii iyo habdhaqankii maxruum abwaan Gaariye raacaan.

Muj. Boobe Yuusuf Ducaale oo qoray labada buug ee lagu soo bandhigay xuska sannad-guurada 1aad ee ka soo wareegtay geerida maxruum Abwaan Gaariye, ayaa halkaas kaga waramay taariikhdii marxuumka, waxaannu shirkadda daabacada ee Sagal Jet uga mahadnaqay doorka waxtarka leh ee ay ka qaadatay daabacaada labadaas buug, isagoo xusay in labada buug xambaarsan yihiin suugaantii marxuumka oo la soo ururiyey iyo maqaalo iyo suugaan kala duwan oo laga sameeyey geeridii naxdinta lahayd ee abwaan Gaariye, waxaannu bulshada ka codsaday inay akhriyaan labadaas buug, isla markaana gabayada iyo suugaan marxuum Gaariye ee ka maqan haddii ay hayaan soo ururiyaan si daabacaadaha dambe loogu daro.

Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo isna hadal ka jeediyey xuska loo sameeyey abwaan marxuum Maxamed Xaashi  Dhamac Gaariye, ayaa si faahfaahsan uga xogwaramay taariikhdii marxuumka ee uu u soo joogay, isagoo xusay inay isku fasal ahaayeen, aqoona u lahaa ilaa yaraantiisii. Waxaannu Md. Muuse Biixi Cabdi sheegay in marxuum Gaariye ahaa shakhsi himilo-dheer oo wadaniyadi ku dheehan tahay, isla markaana ku dayasho mudan.

Wasiirrada Duulista Somaliland iyo waxbarashada Md. Maxamuud Xaashi Cabdi iyo Samsam Cabdi Aadan, Guddoomiyaha xisbiyada mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali-waraabe iyo Guddoomiyaha guddida arrimaha dibadda ee xisbiga WADDANI  oo iyaguna halkaas ka hadlay, ayaa si qoto dheer uga waramay taariikhda aan duugoobayn ee uu ifka kaga tagay marxuum Maxamed Xaashi Dhamac, waxayna marxuumka Ilaahay uga baryeen inuu dambigiisa dhaafo oo jannooyinkiisa ugu deeqo, iyadoo wasiirradu halkaas ka ballanqaadeen inay xukuumad ahaan doorkooda ka qaadan lahaayeen sidii wax loogu qaban lahaa agoontii uu ka tagay marxuum Gaariye.

waxa kale oo halkaas suugaan iyo maansooyin baroor diiq ah ka jeediyey abwaannada kala ah; Axmed Aw Geeddi, Hurre Walanwal, Yuusuf Shaacir, Xasan Daahir Ismaaciil (Weedhsame), kuwaasoo xuska sannad-guurada 1aad ee ka soo wareegtay geerida marxuum Gaariye ka jeediyey maansooyin baroor-diiq ah, iyagoo xusay in marxuumku ahaa tiir ka baxay bahda suugaan Soomaalida.

Hodan Maxamed Xaashi Dhamac oo ka mid ahayd afarta hablood ee marxuum Gaariye ifka kaga tagay oo iyaduna halkaas ka hadashay, ayaa si ballaadhan ugu mahadcelisay Shirkadda Sagal Jet iyo dallada SONYO oo si wada jir ah u qabanqaabiyey xuska geerida marxuum Gaariye, iyadoo sidoo kale u mahadnaqday Boobe Yuusuf Ducaale iyo abwaan Weedhsame oo ay sheegtay inay si joogto ah uga warhayaan qoyskooda, kuwaasoo ay ku tilmaantay inay u buuxiyeen kaalintii waalidnimo iyo walaalnimo.

Comments are closed.