Milicsiga Waraysi Uu 1994 Dr. Maxamed-Rashiid Ka Qaaday General Maxamed Faarax Caydiid

1
1075

Picture2Waxaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa qaybtii sadexaad ee waraysigii uu Dr.Maxamed Rashiid Sheekh Xasan markii uu laanta afka Soomaaliga ee BBC-da joogay uu ka qaaday Gen.Maxamed Faarax Caydiid.

Ma waxa la odhan karaa adiga iyo Cabdilaahi Yuusuf hoosta ayaad ka wada socoteen,kolayba saaxiib waad ahaydeen oo dugsibaad wada Dhigateen,jeelna waad wadagasheene?

Cabdilaahi isku dugsi ayaan ahayn ilaa iyo caruurnimadii,askarinimadii  iyo ilaa aanu kornaylo wada gaadhnay ayaanu wada soconay,dad waxaanu ahayn saaxiibtinimo iyo wada shaqayn dhex martay,qaranka iyo umadda Soomaaliyeedba shaqo wanaagsan u qabtay,waxaanu mar walba ku fekerijinay markii nala xidhay ee aanu xabsiga ku jirnay iyo markii aanu ka soo baxnayba sideebaa umadda Soomaaliyeed looga badbaadiyaa xukunkan digtaytarka ah ee ay u hali lahaayen dawlad rayid ah oo xukunka ku soo celisa dimuqraadinimo iyo iyada oo dimuqraadiyadu ay tahay mid u qalanta umadayada,dhaqankayga iyo baahidayada, sidaas ayaanu waligayo u wada soconay,laakiin inqilaabkas dhacay ma ahayn mid labadayadu aanu wada qorshaynay oo aanu ku talo galnay,kolay saraakiilbaa qorshaysay, saraakiishii qorshaysayna markii uu ka fashilay Cabdilaahi waakii dalka iskaga baxay oo uu halganka soo galay,halgankana illaa heerbuu gaadhsiiyay,heerkii danbena waniga ayaa bilaabay.

Waxaad ahayd nin Soomaali ah oo isku soo diyaar gareeyay xaga mujtamaca Soomaalida waxii wanaagsan xaga malatariga iyo xaga siyaasadaba inaad wax ku kordhiso,adiga oo lix sanana xidhnaa, wakhtiga yar ee aad Maxamed Siyaad Bare la shaqaysay marna aad joogtay xafiiskiisa Muqdisho marna safiirka aad u ahayd,Soomaali badan ayaa tidhaahda Gen.Caydiid waxa uu la shaqeeyay Maxamed Siyaad Bare arintaas maxaad ka odhan lahayd?

Waa in laga eegaa shaqada maxaa laguu dhiibay, maxaadse qabatay,waad ogtahayoo ciidamada xooga Soomaalyeed madaxbay lahaayeen,kuwa booliska,asluubta iyo NSS-tu madaxbay lahayd, aniga waxa uu igu magacaabay la taliyaha arimaha ciidamada.

Runtii laba jeer ayaan talaabo qaaday la taliyenimo, mar waxaan diyaar gareeyay isaga oo iga codsaday inaan diyaar gareeyo wareegto aad muhiim u ahaa oo uu isagu lahaa ciidamada qalabka sida qaladaad badan oo ka dhex socda sidii lagu saxi lahaa caydiidaw talo ka soo baxi,talo ayaan ka soo bixiyay oo qoraal ilaa 18 bog gaadhaya ayaan soo diyaariyay, sidii ay iila muuqatay isagu aadbuu ula dhacay, aniguna aadbaan daacad uga ahaa qaladaadkii jiray markaas in la saxo,markii aan u keenay ee uu darsay ayuu sexeexii ku taagay,taliyayaashii ciidamada markii loo geeyay waxa u yimi iyagii sadex ka mid ah oo aad uga xun Jikulaarkii ka soo baxay madaxtooyada, oo leh tobankii sanadood ee uu kacaanku soo jiray waxii aad soo qabateen waa burbur oo waxba kama jiraan miyaad leedahay,anigiibuu igu soo jeestay oo uu yidhi maxaad iiga saxeexday nimankii way ka xumaadeene. markaas waxaan ku idhi hadii aad adigu ciidamada madaxiisii sare tahay aad doonayso inaad wax saxdo,adigaana igu yidhi waxbaan saxayaaye aniguna sidaad wax ku saxi lahayd ayaan kuu soo diyaariyaye, anigu cidna maan xumaynayan hadii aad taas aaminsantahay nimankii ku amar oo ha saxeen ciidamadii,hadii kalena Jikulaarka meeshaad doonto ka tuur.

Mida kalena markii Cumar Xaaji Masale uu u dhiibay wasiirka difaaca, Cumarbaa ii yeedhay waxaanu igu yidhi waxaan kaa codsanayaa Caydiidow maadaama oo aad cilmiga militariga aad ku qoto dheetay inaad gacan Isiiso, oo aad buug ka qortid dhibta ciidamada hada ka jirta, sidii lagu saxi lahaa iyo dhibaatadaas waxa keenay, oo aad gacan iga siisid, waanan ka balan qaaday.

Waxaan qoray buug sadex qaybood oo waaweyn ka kooban,qaladaadka ciidamada ka dhex jira qaybbaan ka dhigay,sababtii keentay qaybaan ka dhigay,sidii lagu saxi lahaana qaybaan ka dhigay. Markii aan diyaariyay, ee aan garaacay,oo aan waliba aan ku diyaariyay mudo bil ah oo habeen iyo maalin aanan u kala kicin, xataa jimcaa aan shaqaynaayay oo laba qof oo teebka iiqoraana ila shaqaynayeen ayaan qoraalkii  Maxamed Siyaad Bare u geeyay waxaan idhi Cumarbaa iwaydiistay buugan, waan diyaar gareeyay, tusmadiisiina dushay kaga dhegsantahay ee akhri maadaama oo aan adiga la taliye aan kuu ahay buuga inaad adigu ogalaato si aan ugu gudbino ciidamada.

Buugii ayuu ayaamo haystay maalintii danbe ayuu ii yeedhay waxaanu igu yidhi buugu aadbuu u fiican yahay adigu warqad qor oo lifaaq adigaana iiga wakiil ah ee Cumar u gudbi, Cumarbaan buugii u geeyay waliba waxaan kula dardaarmay inuu isuguyeedho madaxda ciidamada iyo kuwa xafiisyada waaweyn ee hogaanada oo uu kala tashado. sidiibuu yeelay waanu kala tashaday buugiina waa la soo saaray,markii la soo saaray Cumar intii aanu qaybin waatii jagadii laga qaaday ee la xidhay,wasiirkii gaashandhiga waxa ahaa Maxamed Cali Samatar oo madaxweyne ku xigeenka koowaadna ahaa,Maxamed Cali Samatar buugii ma qaybin ee meelbuu iskaga xidhay,waxaanan filayaa hadii maanta xafiisyadii la’baadho in meeshii laga helaayo isaga oo daabacan oo madbacadii ciidamada lagu daabacay,Waxaan filaayay in madbacada ciidamada lagu daabacaayo  oo la qaybinaayo.

Marar kale oo isagu uu yidhi bal ciidamada sidii waxa lagu saxi lahaa igala tali waxaan ku idhi Jikulaarkiiiyo buugii aan qorayba lama isticmaaline talada kale ee aad iga doonaysaa waa maxay,sida runta hana marka ciidan laga tashanaayo iima yeedhi jirin xafiiska ayuunbaan iska fadhiyi jiray.  

Comments are closed.