Saxaafadda Madaxabanaan Oo Soo Saartay War-murtiyeed

0
567

Hargeysa(Geeska)-Saxaafadda madaxabanaan ee Somaliland ayaa war-murtiyeed ay soo saareen waxay kaga digeen siminaaro loo abaabulayo wax loogu yeedhay xeerka saxaafadda oo ay xukuumadu abaabulayso.

Kulamo ay saxaafadu muddooyinkii u dambeeyay yeesheen, waxa ay ka soo saareen warkan. “Kulamo is daba joog ahaa oo ay Guddoomiyayaasha, Mulkiilayaasha iyo Tafatirayaasha Saxaafadda Madaxa Banaan ee Somaliland ku lahayd Caasimadda Hargeysa ayay kaga doodeen Mustaqbalka Saxaafadda Somaliland iyo sidii loo Sixi lahaa Mushkiladaha Hor yaala waxaanay go’aamiyeen Laba qoddob oo kala ah:-

1.      Waxa la magacaabay Guddi ka kooban Afar Xubnood oo la socda, ilaaliya, isla markaana tallo ka soo jeediya wararka iyo Barnaamijyadda Saxaafadda Madaxa banaani baahiso iyagoo ku soo bandhigi doona kulamada kale ee loo balansan yahay.

2.      In Saxaafadda Madax banaan fursad loo siiyo in ay isa-saxdo isla markaana laga joojiyo wax kasta oo carqalad ku keeni kara sida Siminaaro loo abaabulayo Xeerka Saxaafadda iyo talaabooyinka kale ee dhibaatadda u keeni kara.

Sida ka soo baxday Doodii Saxaafaddu ku yeelatay kulankoodii u danbeeyay ee Khamiistii ku qabsoomay Hotel Xaraf, waxa ka soo baxay Macluumaad iyo Xogo la xidhiidha Guddi sadex xubnood ka koobnay oo muddo laba Bilood ku dhaw daraasaynaysay Wararka Taban ee warbaahintu qorto, kaasoo wax wayn ka taray ujeedadii looga Gol lahaa in ay saxaafaddu dhexdeeda ka saxdo qaladaadkeeda.”