Shirkadda Oomaar Oo Beenisay War Laga Baahiyay

0
681

 

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkadda ganacsiga ee Oomaar ayaa beenisay war laga baahiyay oo sheegayay in wasiirka maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale u sameeyay tacriifad dhimis, waxaanay warkaas ku sheegeen mid been abuur ah.

 

Warsaxaafadeed uu soo saaray maamulaha shirkadda Oomaar Maxamed Cali Muxumed, ayaa u qornaa sidan: “Annagoo tixraacayna cadadkii 27aad ee Wargeyska Hubaal, kuna taariikhaysnaa 8 Shuwaal 1433 Hijriya, lana mid ah 27 August, 2012, kuna saabsan warbixin uu ku sheegay been abuur lagu xajiimaynayo wasiirka maaliyadda laguna sheegay inuu si reer miyinimo ah tacriifadda uga dhimay ganacsato ay ka mid yihiin Jaamac Oomaar iyo Axmed Xuseen Seed, waxaan halkan ku beeninaynaa inaanay waxba ka jirin beenta iyo dacaayadda raqiiska ah ee wargeysku kula dul kufay wasiirka maaliyadda oo ah masuul qaran, waana la garan karaa ula jeedada ay ka leeyihiin kuwa beenta ku caano maala, waxbana ku yeeli maayaan ganacsatada xalaasha ah iyo masuuliyiinta daacadda ah.

Shirkadda Oomaar International waa shirkad magac iyo maamuus ku leh Somaliland iyo wadamada jaarka ahba, waana shirkadda ugu balaadhan ee bixisa cashuurta Somaliland ay ku dhisantahay waana la ogyahay. Haddaba dadka been abuurka la wareegaya waxaan leeyahay beenaaloow lagu baray.

Ta labaadna waxaanu uga digaynaa wargeyska Hubaal ee been abuurka faafinaya inay ka waantoobaan xajiimaynta masuuliyiinta iyo baayac mushtarka mudan qadarinta iyo ixtiraamka.”