Hay’adda CARITAS Oo Cududeeda Wax Qabad Ku Muujisay Carwada Hargeysa

1
3441

 

 

Picture2Hargaysa( Geeska )- Hay’adda Caalamiga ah ee CARITAS ayaa carwadda ay Ha’ayaduhu ku soo bandhigayeen waxqabadkooda ee Hargeysa lagu qabtay  ku soo bandhigtay waxyaabaha ay Somaliland ka  qabato.

 

Carwadan ay hay’daha samafalku ku soo bandhigayeen waxqabadkooda ayaa ay Hay’da CARITAS ku soo bandhigtay khudrado ka soo go’ay beeraha ay biyo galinta u samaysay, cuntooyin kala duwan oo ay soo saareen dad ay ku tababartay xirfado, sawiro xoogan oo muujinaya sida ay ugu qayb qaadato ilaalinta nadaafada, ka hortaga cudurada ay Duumadu kamidka tahay iyo shahaadooyin tiro badan oo lagu siiyay waxqabadka kala duwan ee ay u fidiso bulshada  Somaliland.

Nuura Cabdilaahi Magan oo ah madaxa  hay’da CARITAS  qaybteeda Somaliland oo warbaxin kooban nagu siisay carwadaas gudaheeda ayaa ka warbaxisay waxyaabahan ay soo bandhigeen, waxanay hadalkeeda ku bilawday sidan “ Waxaanu maanta ( Shalay ) diyaar u nahay in aanu ka qaybqaadano carwadan oo ah tii ugu horaysay ee loo qabto hay’daha, iyada oo CARITAS wax qabadkeedu  uu la yaalo dadweynaha, haddana waxanu nasiib u helnay inaan sawiro badan soo bandhigno oo muujinaaya waxqabadkayagii xaga mashaariicda Biyaha ,Nadaafada, Caafimaadka sida ka hortaga malaariyada.” Nuura Cabdilaahi oo sharaxaysa waxayaabaha ay soo bandhigeen waxa ay tidhi  “ Waxanu soo bandhignay Khudrad ka soo baxday beerahii aanu biyo  galinta u samaynay, cunto ay soo sameeyeen ardaydii aanu xirfadaha ku tababarnay, waxa jiray buugaag aan samaynay oo dhanka waxbarashada ah iyo  shahaadooyin badan oo hay’dan  CARITAS lagu siiyay waxqabadyo ay samaysay.”

Hay’da CARITAS ayaa si mugleh uga dhexmuuqatay carwadan shalay lagu soo bandhigaayay waxqabadka hay’adaha Samafalka ee ku sugan Somaliland.

Comments are closed.