Cali Samatar Oo Ay Maxkamad Maraykan Ahi Xukun Culus Ku Riday Iyo Muwaadiniintii Dacwadda Oogay Oo Ku Farxay Inay Cadaaladii Guulaysatay

1
749

 

Picture5Washington(Geeska)-Maxkamadii dalka Maraykanka ku dhagaysanaysay dacwadii xasuuqa iyo jidh-dilka ahayd ee ay muwaadiniinta reer Somaliland ku soo oogeen Maxamed Cali Samatar, ayaa shalay soo saartay xukunkii mudada dheer la sugayay.

 

Maxkamadda oo muddo siddeed sannadood ah dhagaysanaysay dacwadan lagu soo oogay Mr. Cali Samatar oo ahaa madaxweyne xigeenkii iyo wasiirkii gaashaandhiga ee dawladii Maxamed Siyaad Barre, ayaa shalay si rasmi  ah waxa uu xaakinkii dacwadda qaadayay Mr. Cali Samatar ugu riday xukun ah inuu bixiyo 21 Milyan oo dollarka Maraykanka ah. Lacagtan xukunka ah ee lagu riday ayaa lagu sheegay inay isugu jirto Khasiraad maxkamadeed, beeno uu sheegay iyo magdhowga dambiyada uu gaystay, waxaanu xukunkani soo afjarayaa dacwadaas oo xataa gaadhay maxkamadda sare ee dalka Maraykanka.

Wargeysyada iyo Telefishanada caanka ka ah dalka Maraykanka ayaa shalay baahiyay xukunkaas lagu riday Mr. Cali Samatar.  Geesta kale, maxkamadda ayaa hore sharcigii Maraykanka uga qaaday Mr. Cali Samatar, waxase la siiyay dal-ku-joog ku meelgaadh ah oo loo yaqaano Temporary Status (TPS) oo la siiyo dadka aan sharciga haysan.

Maxamed Cali Samatar, ayaa qaybta Focus on Africa ee BBC-da, wuxuu sannadkii 1988 ka qirtay inuu isagu bixiyay amarkii lagu burburiyay magaalooyinka waaweyn ee Somaliland ee sidoo kale lagu xasuuqay dad reer Somaliland ah oo aan waxba galabsan.

Muwaadiniinta reer Somaliland ee dacwadda soo oogay ayaa sheegay inay ku faraxsanyihiin inay cadaaladii guulaysaty oo xukun lagu riday Mr. Cali Samatar iyadoo laga abaal marinayo dambiyadii dagaal ee uu gaystay wakhtigii uu madaxda ka ahaa dalka Somaliya.

Comments are closed.