Sarkaal Ka Tirsan Shirkada DHL Somaliland Oo Ku Guulaystay Abaalmrin Caalami Ah

0
651

Picture4

Hargeysa(Geeska):-Shirkada DHL ee dhoofinta allaabooyinka oo qiimayn ay ku samaysay shaqaalaheeda ugu wanaagsan sanadkii aynu soo dhaafnay ee ka hawl gala guud ahaanba wadamada ay ka shaqayso ayaa waxaa ku guulaystay mid ka mid ah shaqaalaha shirkadaasi uga hawl-gala qaybteeda ay ku leedahay wadanka Somaliland.

Shirkadan oo munaasibad balaadhan ugu qabatay magaalada Abu-Dhabi abaal-marinta shaqaalaheeda, ayaa waxaa qaybta Somaliland ku guulaystay Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil oo ah madaxa hawl-galinta shirkada DHL ee Somaliland Isagoo ku guulaystay shahaado Sharafeed iyo abaal-marino kala duwan, waxaana munaasibadaasi ka soo qayb galay madaxda shirkada ugu  saraysa, iyo mas’uuliyiin kale oo aad u tira badan.

Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil, ayaa sidan ku sheegay waraysi gaar ah oo uu siiyey wargeyska Geeska Afrika, waxaana uu ugu horeyn faah faahin ka bixiyey abaal-marinta la guddoonsiiyey. “Xafladdan Waxaan ka qayb galay bishii March 27 keedii oo abaal marinta shaqaalaha ugu firfircoon ee DHL-ka Sub sahara Afrika, laguna qabtay magaalada Abu-Dhabi, kaas oo ahaa in shirkada DHL sanadkiiba hal mar ay shaqaalaha ugu wanaagsan ee  sanadkaa u garato in ay yihiin shaqaalaha ugu tayada fiican ayna siiso had iyo jeer abaal marino ah shahaadooyin iyo abaal marino kale, markaa taas waxaanu nasiib u helnay in xafiiska Somaliland uu ka qayb galo. Aniga ayaana ku guulaystay aad ayaanan  ugu faraxsanahay in aan abaal marintaa helo, maadaama aan in badan shirkada u shaqaynaayey, sidoo kalena aan ahaa shaqaalaha ugu wakhtiga dheer ee jooga hada shirkada DHL, Hargeysa, Somaliland.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil.

Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil, waxaa uu sidoo kale ka xog-waramay waxyaabaha uu ku keenay dedaalkan intaa leeg ee uu ku kasbaday in uu ku guulaysto shahaado sharaftan  iyo abaal-marinahan kala duwan oo uu ku noqday shaqaalaha ugu wanaagsan ee ka hawl-gala qaybta DHL ay ku leedahay wadanka Somaliland, waxaana uu si gaar ah ugu mahad celiyey maamulka shirkada DHL Umal-khayr Axmed Cismaan oo uu sheegay in ay ka caawisay sidii uu ka shaqaale ahaan ugu guulaysan lahaa shakhsiga sanadka ee ugu wanaagsan shaqaalaha DHL, Waxaana uu tibaaxay maamulkoodu fursad u siiyey sidii ay u heli lahaayeen tababaro la xidhiidha dhinaca kor u qaadida aqoontooda ay ku shaqeeyaan.

“Nasiib wanaag waxaan ku mutaystay maaha karti aan dadka dheerahay laakiin waa dedaalka iyo caqliga wanaagsan ee dadka shirkada mas'uulka ka ah gaar ahaan Umal-Khayr Axmed Cismaan oo had iyo jeer nagu taageerta xaga tobabarada aan uga baahanahay shirkada gaar ahaana sidii aanu kor ugu qaadi lahayn aqoontayada aanu shaqo ahaan ku fushan karno hawlaha shirkada DHL haday noqoto xaga amaanka iyo xaga warbixinahaba, qaababkayaga aanu u shaqyano oo dhanba. Waxaana uu markaa maamulkayagu mar walba noo fududeeyaa sidii aanu tobabaro uga heli lahayn wadamo kale sida Jabuuti iyo Kenya.”.Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil.

Ugu danbayntiina Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil, waxaa kale oo uu carabka ku dhuftay in fursadani ay ka shaqaale ahaan u tahay mid dhiiri-galin ah, oo ay ku sii laban laabayaan dedaalkooda ay ugu shaqaynayaan bulshada iyo macaamiishooda kala duwan.

“Marka aan isku soo wada xooriyo waxaan soo helnay shahaado aad u qiimo badan iyo abaal marino kale oo aad u wanaagsan, runtiina taasi waxaa ay ahayd dhiiri galin aanu ka helnay shirkada DHL."Ayuu yidhi Md.Cabdiraxmaan Xuseen Ismaaciil.