Shirkadda Nationlink Oo Jaamacadda Golis Ugu Deeqday Qalab CAsri Ah Oo Laababka Ah

0
967

Picture2Hargeysa(Geeska):-Shirkada Isgaadhsiinta casriga ah ee Nation Link ayaa Laab Casriya  ugu deeqday Jaamacada Golis,kaasi oo ay ugu tala gashay in ay ka faa’idaystaan ardayda wax ka barata Jaamcadaasi, Munaasibad balaadhan oo lagu soo bandhigaayey Labab casri ah oo khuseeya dhinaca Isgaadhsiinta oo ay ku soo kordhisay qaybahii waxbarashada ee Jaamacadaasi,kuwaasi oo wax badan u fududayn doona ardayda Jaamacada Golis ee wax ka dhigata kuliyadaha Enjineerinka iyo Isgaadhsiinta ayaa lagu qabtay Xarunta Jaamacada ee Magaalada Hargeysa.

waxaana munaasibadii daahfurka loogu samaynaayey ka soo qayb galay Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta Md:Cabdirisaaq Khaliif Ahmed,Agaasimaha guud ee wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Mr:Mukhtaar ,Agaasimaha Guud ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md:Faysal Cali Sheekh, Masuul ka socda Baanka Aduunka Najiib Xasan Xaashi,Wafti ka socday barnaamijka Somaliland Bussiness Fund,Madaxweynaha Jaamacada Golis Dr:Siciid Ahmed Xasan,Maamulayaasha Dugsiyada iyo Ardaydooda iyo Marti sharaf kale oo aad u tira badan iyo maamulaha Nationlink Cabdirisaaq Isaaq Cali.

Guddoomiyaha Jaamacada Golis Dr:Siciid Axmed Xasan oo ugu horayn halkaasi ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey qalabkan Laababka ah ee ay ku soo kordhiyeen Jaamacada Golis,waxaana uu sheegay in ugu tala galeen ardayda wax kabarata Jaamacada Golis gaar ahaan Kuliyadaha ICT-ga iyo Isgaadhsiinta,waxaana uu tilmaamay in ay keeneen qalabyo ay ardaydu si toos ah ay ugu tobobaran doonaan muddada ay wax barashadooda wadaan,isaga oo sida oo kalena si aada ugu mahad celiyey shirkada Isgaadhsiinta ee Nation Link oo ka caawisay qalabka Isgaadhsiinta ee ay ardaydu si toos ah ay duruustoda ugu samayn doonaan.

"Waxa weeye Jaamacadaha dalalka Afrikaanka ahi mahaystaan qalab kan oo kale ah xataa South Afrika u malayn maayo in ay qalabkan oo kale ay haystaan,markaa qiimaha ay maanta Somaliland ugu samaysay shirkada Nation Link maxaad ku qiyaasi karaysaan?,soo qiime weyn maaha!,waxan Somaliland ayuunbaa ka faa'idaysanaysa iska daa Somaliland oo qudha ee xataa Somali oo dhan ayaa ka faa'ideysanaysa waayo Jaamacada Golis meel walba oo Somali degan tahay waa looga soo waxbarasho doontaa ,taa iska daaboo waxaanu doonaynaa maadaama ardayda Afrikaanka ee wadamada Saxaraha ka hooseeya aanay haysan qalabkan oo kale (Labkan),waxaanu doonaynaa in aanu dadka sharafta leh Xukuumada Somaliland aan ugu bushaaraynaynaa in aanu maanta bilaabayno in ay arday Afrikaan ahi ay noo timaado oo ay wax ku barato Jaamacada Golis iyaga oo aan wadamadooda Lababkan oo kale ku haysan,taas ayaana aanu bilaabaynaa,waxaanan aad iyo aad aanu ugu mahad celinayaa shirkada Nation Link ee fursadan noo sahashay"Gudoomiyaha Jaamacada Golis Dr:Siciid Axmed

Maareeyaha Shirkada Isgaadhsiinta ah ee Nation Link Mr. Cabdiraxmaan Isaaq Cali oo isna halkaasi ka hadlay ayaa isna dhankiisa ka hadlay u jeedada ay qalabkan ugu deeqeen Jaamacada Golis.

"Laabkan aad arkaysaan waa Ilaahay mahadii,waxaa nagu dhaliyey in aanu Laabkan aanu samayno oo runtii sida Agaasimaha Wasaarada Isgaadhsiintu uu sheegay in uu yahay adeeg dhan oo shirkadi ku shaqayn karto,waa hab gaadhsiin kara adeega(Coverage-ka) Hargeysa iyo inta uu doono iyo waliba hadii loogu tala galay in la dhaafiyo waa hab awoodi kara,waxaanu ugu tala galnayna waxaa ay ahayd maadaama ay dadkeenu ka gaadheen isgaadhsiinta meel aad u wanaagsan markaa dee aqoontiina in iyana aynu meel aad wanaagsan aynu ka gaadhno ayaa qurux badan,waxaan hada waraysanay dadkii ka yimi wadamada Jaarka ah iyo kuwii Hindiya ka yimi iyo waliba Malaysiya markaa afrika oo dhan markii aanu baadhnay Koonfun Afrika oo dhan ayaa aanu ku aragnay Lab Isgaadhsiineed".Md:Cabdiraxmaan Isaaq Cali.

Wasiirka Wasaarada Hawlaha Guud iyo Guryeynta Somaliland Md:Cabdirisaaq khaliif Axmed oo isna halkaasi ka hadlay ayaa si aada ugu mahad celiyey maamulka Jaamacada Golis iyo sida oo kale shirkada Isgaadhsiinta ah ee Nation Link ee suuta galisay in qalabkan ay ugu soo deeqdo Jaamcada Golis,waxaana uu kula dardaarmay ardayda kala duwan ee Jaamcada Golis in ay si fiican ay uga faa’idaystaan qalabkan kuna dadaalaan sidii ay kor ugu qaadi lahaayeen heer kooda aqooneed.

"Waxaan aad ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jaamacadu doorka uu ka qaadanayo kobaca aqoonta ee dalka aad ayaan ugu mahad naqayaa,waxaan ugu mahad naqayaa hal abuurkaa cusub ee laga yaabo in markii aanay jirin in aynaan ka fekeri karneen in qaabkan oo kale u heli karayno,waxaanan kula dardaar mayaa dhalinta ama aqoon yahanka hawsha tan loo diyaariyeyna in ay sida ay tahay uga faa'idaystaan,waxaan iyadana sida oo kale aan u mahad naqayaa shirkada ka qayb qaadatay hirgalinteeda waxaanan leeyahay aad ayaa aad u mahadsan tihiin,waxii aad galiseena waxaad galiseen dadkiinii,dalkiinii iyo da'yartiinii,runtiina siyaabo badan ayaad uga faa'idi doontaan,waxaanan ku dardaar mayaa in Jaamacadaha kalena ay hawshaas muhiimka ah ay iyaguna ku daydaan".Wasiirka Hawlaha Guud iyo Guryeynta.

Agaasimaha Guud ee Wasaarada Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md:Faysal Cali Sheekh oo isna halkaasi hadal kooban ka soo jeediyey ayaa sheegay in ay ka wasaarad ahaan ay si aada ugu farax sanyihiin qalabkan isgaadhsiinta ah ee ay Jaamacada Golis ugu soo kordhisay ardaydeeda wax kabarata Jaamacada Golis,isga oo dhanka kalena si aada ugu mahad celiyey Shirkada Isgaadhsiinta ah ee Nation Link.

"Runtii anaga Wasaarad ahaan farxad ayaa ay noo tahay maanta in aanu idin kala soo qayb galno xafladan daahfurka ah ee qiimaha badan ee lagu soo bandhigay furitaanka qalabka Isgaadhsiinta ee ardayda Jaamacada Golis ay wax ku baranayaan,runtiina waa wax weyn oo qarankan u soo kordhay,waxaanan aad iyo aad aan ugu mahad naqayaa Madaxweynaha Jaamacada Golis oo taariikh badan dalka aad ugu soo kordhiyey,anagu ka wasaarad ahaan waxaanu nahay qaybta Xukuumada u qaabilsan Isgaadhsiinta markaa waxaad moodaa in dhinac aynu aad uga horu marnay dhinaca Isgaadhsiinta oo dalal fara badan oo dunida ah ama mandaqada aynu kaga horayno,waxaad se modaa in Wasaarada iyo haayadaha gaarka ah ee qaabilsan Isgaadhsiintu ay aad ukala koreen,Shirkadihii Isgaadhsiintu ay runtii ay iyagu aad uga sareeyaan,Wasaaradii iyo Haayadahii dawladuna ay aad uga hooseeyaan,waxaan se dadaalkeeda ku jirnaa in aanu isa soo gaadhsiino"Faysal Cali Sheekh.

Munaasibadan oo ay Masuuliyiin aad u tira badani ka hadleen ayaa waxaa ay dhamaantoodba ku dheeraadeen muhiimada ay uu qalabkan cusubi u leeyaha kobaca iyo koradhka heerka aqooneed ee ardayda,waxaana ay sida oo kale dhamaantoodba ay ka mara kaceen in Maamulka Jaamcada Golis uu marwalba ku dadaalo sidii uu kor ugu qaadi lahaa heerka aqooneed ee dalka.

Ugu danbayntiin waxaa halkaasi shahaadooyin lagu gudoonsiiyey Masuuliyiintii kala duwanaa ee sida hagar la’aanta ahayd uga soo qayb qaatay sidii barnaamijkani uu u noqon lahaa mid midho dhal ah gaar ahaan Masuuliyiinta Shirkada Nation Link.