Raysalwasaare Cusub Oo Loo Magacaabay Ciraaq

0
630

Madaxweynaha Ciraaq ayaa si rasmi ah u waydiistay Haider al Abadi oo ah ninka ay soo magacaabeen xisbiga Shiicada ee baarlamaanka inuu sameeyo dowlad, isagoo badalaya Ra'iisalwasaaraha Nouri al Maliki oo doonaya inuu mar kale is sharaxo.

Kadib markii ay shiicada magacaabeen Haider al Abadi, oo ilaa hada ahaa ku xigeenka afhayeenka baarlamaanka ayaa ugu baaqay Ciraaqiyiinta inay ku midoobaan la dagaalanka islaamiyiinta ISIS.

Maraykanka ayaa sheegay in madaxweyne ku xigeenka Maraykanka Joe Biden, uu telefoon u diray madaxweyne Fuad Masoum si uu uga hadlo magacaabida Al Abadi.

Wuxuu u balan qaaday taageerada Maraykanka ee samaynta dowladda cusub ee Ciraaq.