Shirkadda Genel Energy Oo Ka Soo Guurtay Bariga Dalka, Shaqaalaheediina Dibadda U Saartay

4
509

Picture6Hargeysa(Geeska)-Shirkadda Genel Energy ee hawlaha sahaminta shidaalka ka waday gobalka Togdheer, ayaa qalabkeeda iyo shaqaalaheediiba ka soo daad guraysay gobalkaas, waxaanay u muuqataa inay shirkadu ka baxayso Somaliland. Ka soo bixitaankooda waxa ku weheliya shirkadda Tesla, oo iyadu ka sii hoos shaqaysa shirkadan Genel iyo shirkadda Olive Oil oo dhinaca amniga u qaabilsan.

Ilo xogogaal ah oo ku dhow dhow maamulka gobalka Togdheer, ayaa Geeska Afrikau sheegay inaanay madaxda shirkadani maamulka gobalka ku wargelin sababaha keenay guuritaankooda. Hase yeeshe waxa lala xidhiidhinayaa khilaafaad isdaba joog ah oo ay shirkadani kala kulantay deegaanada bariga iyo koonfurta gobalka Togdheer, waxaana soo baxaya warar aan la xaqiijin oo sheegaya inay madaxda sare ee shirkadani London ku yeesheen shir ay ku go’aansadeen inay ka baxaan gebi ahaanba Somaliland.

Diyaarad gaar ah ayaa shaqaalaha ajaanibka ah ee shirkadaas khamiistii ka soo qaaday magaalada Burco, waxaanay keentay magaalada Hargeysa oo ay qaarkood u sii dhaafeen dalka dibadiisa. Sidoo kale baabuurta xambaara qalabka ay ugu tallo galeen sahaminta shidaalka ayaa iyaguna shalay ka soo kolonyaystay bariga gobalka Togdheer, iyagoo ku soo jeeda dekedda Berbera. Baabuurtan oo barqadii shalay soo maray duleedka Burco, ayaa markii ay ku soo dhacayeen jidka laamiga ah, waxa ay ciidamo amni oo la socday ka joojiyeen baabuurtii jidka maraysay, waxaanay dad goob joog ahi sheegeen inay baabuurtaasi u muuqdeen inay sideen qalabka casriga ah ee ay shirkadda Genel Energy ku sahamiso shidaalka Somaliland.

Qalabka ay shirkadani ka soo rartay deegaanadaas ay sahaminta shidaal ka waday, ayaa waxay qaybo ka mid ahi soo gaadheen magaalada Berbera, waxaanay wararku sheegayaan inay ku socdaan dekedda Berbera.

Ma jiro wax war ah oo ay xukuumadu ka soo saartay warka ka soo kordhay shirkadan. Masuuliyiin aanu si gaar ah isugu daynay inaanu wax ka weydiino ayaanay noo suurtogelin.

Si kastaba ha ahaate, caqabadaha aan xalka rasmiga ah loo helin ee shirkadan ka soo waajahay gobalada bari, iyo shirkadda oo sidaas ku joojisa sahaminta shidaalku, wuxuu dhaawac ku keeni karaa sumcadda Somaliland oo u haraadan maalgashi shisheeye iyo khayraadkeeda dabiiciga ah oo la soo saaro, si loogu iib geeyo dunida.

Comments are closed.