Faysal Iyo Cirro Oo Bulshada Caalamka U Diray Dhambaal Ay Kaga Digeen Cawaaqibka Ka Dhalan Kara Doorashada Iyo Diiwaangelinta Oo Dib U Dhaca

8
529

Picture7Hargeysa(Geeska)-Labada xisbi mucaarad ee Wadani iyo UCID ayaa deeq bixiyayaasha taageera nidaamka dimuqraadiyadeed ee Somaliland u diray dhambaal wada jir ah oo ay kaga hadleen halista dib u dhac ku yimaada doorashooyinka madaxtooyada iyo Baarlamaanka oo u qorshaysan inay qabsoomaan badhtamaha 2015.

Labada guddoomiye xisbi Md. Faysal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa habeen hore deeq bixiyayaasha u diray dhambaal ka kooban 7 qodob, oo ay wada jir u saxeexeen, iyagoo wargelin siiyay Madaxweyne Siilaanyo, guddiga doorashooyinka iyo xisbiga KULMIYE, waxaanay si adag ugu soo jeediyeen in la qabto diiwaangelinta cod bixiyayaasha oo tayo leh ugu dambayn 31 December, iyagoo ku celceliyay in meesha laga saaro inay soo noqdaan dhibaatooyinkii foosha xumaa ee ka dhashay muddo kordhimihii la sameeyay sannadihii 2008 iyo 2010. Waxaanay ka digeen inay diiwaangelintana noqoto diiwaangelintii hore ee uu musuqu hadheeyay oo kale. Toddobada qodob ee ay Wadani iyo UCID u direen deeq bixiyayaashu ayaa nuxur ahaan kala ah:

Labada xisbi waxay si buuxda ugu taaganyihiin heshiiskii ay gaadheen daneeyayaasha iyo nuxurkii ku qornaa warqadii ay wada jirka u saxeexeen dhammaan xisbiyadu 11.7.2013, sidii loogu gudbiyay bulshada deeq bixiyayaasha ah

UCID iyo Wadani waxay tilmaamayaan baahida loo qabo in la qabto diiwaangelin tayo leh si loo xaqiijiyo doorashooyin madaxtooyo iyo Baarlamaan oo xor iyo xalaal ah  badhtamaha 2015 iyo nidaam aan guurguurin oo lagu  dhiso mustaqbalka, natiijada diiwaangelinta cod bixiyayaasha waxa loo baahanyahay inay diyaar ahaato ka hor 31 December 2014. Mabaa’diida ay ugu dhegenyihiin labada xisbi natiijada diiwaangelintu waa in la damaanad qaado xaqa uu distoorku muwaadiniinta u siiyay inuu qof waliba hal mar codeeyo. Xasanad ayaa loo yeelay musuqa cod bixiyaha, waxaana labada xisbi ka go’an inay sameeyaan wax kasta oo awoodooda ah si ay meesha uga saaraan musuqaas. Istaraatajiyadoodu waa inay damaanad qaadaan diiwaangelinta cod bixiyayaashu iyo natiijadu inay ka dheeraato musuq.

Labada xisbi waxay u aqoonsanyihiin guddiga doorashooyinka qaranka hay’ad dhexdhexaad ah oo awood u leh inay maamusho hawlaha doorashoada oo ay ku jiraan diiwaangelinta cod bixiyayaashu, waana u dhexdhexaad dhammaan dhinacyada siyaasadda. Daneeyayaasha kale oo dhami oo ay ku jirto wasaaradda arrimaha gudaha iyo bulshada rayidka ahi doorkoodu waa taageero.

Labada xisbi mucaarad waxay ka digayaan dib u dhac ku yimaada doorashada 2015 iyo ciwaaqibka foosha xun ee ka dhalan doona muddo kordhin madaxtooyada iyo Baarlamaan. Muwaadiniinta Somaliland waxay ka cabsi qabaan inay soo noqoto dhibaatoyinkii foosha xumaa ee 2008 iyo horaantii 2010 iyo weliba wixii ka dambeeyy dorashooyinkii golaha deegaanka, sidaas darteed waxay ka rajaynayaan dawladooda inay qaadato masuuliyadeeda oo ay damaanad qaado inay doorashooyinku ku dhacaan wakhtigooda, xorna ay ka noqdaan musuq iyo wax is daba marin. Bulshada deeq bixiyayaasha ahi door muhiim ah ayay ku leeyihiin dejinta jadwalka doorashoiyo diiditaanka musuq ka dhasha diiwaangelinta iyo doorashadaba.

Xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo Wadani waxay qirsanyihiin culayska saaran deeqaha caalamiga ah, sidaas daraadeed waxay ugu baaqayaan dawladda Somaliland inay qaadato masuuliyadeeda oo ay abaabusho sanduuq dhaqaale oo uu qaranku leeyahay, [lagu maalgeliyo doorashoyinka] iyo in muwaadiniinta ay  u xaqiijiso inaanu nidaamka doorasho u xanibmayn deeqaha dartood. Arrintaas awgeed, waxa laga codsanayaa bulshada deeq bixiyayaasha ah inay aqoonsadaan sida ay arrintani u tahay deg deg, maadaama inuu wakhtigii doorashooyinka lagu qaban lahaa ina hayo, sidaas daraadeed inay cadeeyaan haddii isbedel ku yimid qaabkii kharashka loo wadagi jiray haddii ay tahay diiwaangelinta iyo doorashadaba, iyo inay cadeeyaan wax laga filayo inay diyaar ka ahaadaan dhinacooda  iyo wakhtiga.

Xisbiyada Wadani iyo UCID, waxay soo dhawaynayaan wada tashi ay qaranka iyo deeq bixiyayaashu ka yeeshaan iyo doodo nidaamsan si looga shaqeeyo istaraatajiyad guud iyo hab lagu fududaynayo hirgelinta diiwaangelin iyo doorashooyin ku salaysan mabaa’diida xor iyo xalaal ah, natiijooyin sugana ka soo baxaan.

Labada xisbi waxay dawladda, deeq bixiyayaasha iyo daneeyayaasha oo dhan kala shaqayn doonaan si loo abaabulo diiwaangelin tayo leh iyo doorasho xor iyo xalaal ah, iyo ta’ intaasba ka sii muhiimsan oo ah sidii wax isdaba marinta looga ilaalin  lahaa nidaamka doorasho ee Somaliland.

Comments are closed.