Shirkadda Ganacsiga Ee UBI Oo Si Weyn Uga Qayb Qaadatay Carwada Ganacsiga

0
555

Picture1Hargeysa(Geeska)-Shirkada UBI oo soo saarta biyaha caanka ah ee DURDUR iyo shaanbooyo, ayaa si weyn uga qaybqaadatay carwada lixaad ee ganacsiga Somaliland.

Shirkadan oo wax soo saarkeeda ku soo kordhisay shaanbooyo isugu jira waaweyn, nooca dhexe iyo kuwa ugu yar yar ayaa sida oo kale qiimo dhimis u samaysay dadka soo booqanaya carwada lixaad ee ganacsiga Somaliland.

Maareeyaha shirkadan UBI Eng. Axmed Gaas Cali oo si gaar ah ugu waramayay wargeyska Geeska Afrika waxa hadaladiisa ka mid ahaa“Waxaanu kaga qaybqaadanay carwadan ganacsiga lagu soo bandhigaayay biyo iyo shaanbooyo hadda aanu ku soo kordhinay ganacsigayaga oo qaybo kala duwan leh sida shaanbooyada waaweyn ilaa shaanboo xayraanka,waxaanan dadka carwada soo booqanaya u samaynay xoogaa qiimo dhimis ah, hore waxaanu caan ugu ahayn biyaha DURDUR, laakiin hadda waxaanu soo kordhinay oo carwada aanu la nimi waa shaanbooyadan, shirkadan marxalado badan ayay soo martay waxaana jirtay mar aanu dhawr caagadood oo waaweyn uun iibin jirnay, laakiin maanta waa maansha  Allaah waadigaas arkaaya horumarka aanu ka gaadhnay.”

Dadweynaha ka  adeeganayay carwada ayaa si weyn wax uga iibsanayay shirkadan UBI, si gaar ahna waxa loo iibsanayay biyahooda oo ah biyaha ay bulshadu ugu jeceshahay iyo shaanbooyadan oo muhiim u ah nolosha bini-aadamka. Carwada lixaad ee ganacsiga Somaliland ayaa ku jirta maalinteedii shanaad iyada oo ganacsatada iyo shirkadaha wax soo saarkuna ay ku soo bandhigayeen waxyaabaha ay soo saaraan.