“Aniga Dil Layla Beegsadayna Ma Jiro, Mid Aan Ka Badbaadayna Ma Jiro”

0
653

Picture2Burco(Geeska)-Maayarka magaaladda Burco Maxamed Muraad ayaa beeniyay in uu jiro wax dil ah oo la’la beegsaday oo uu ka badbaaday, kaas oo warbaahinta qaarkood ay baahiyeen.

Waxa uu maayarku sheegay inuu u siman yahay dadweynaha Burco isla markaasna uu u dul qaadan doono keeda xun iyo kooda sanba, waxaanu ku celceliyay in aanu jirin wax dil ah oo la’la beegsaday, waxaanu sidaas ku sheegay shir jaraa’id oo uu warbaahinta kula hadlay waxaana isaga oo arintaas ka hadlaaya uu yidhi “Waxaan maqlaayay maayarka oo dil ka badbaaday, waxaan ahay nin oday u ah reer Burco oo dhan, cid dil ila beegsatay iyo dil aan ka badbaadaytoona ma  jirto,hadal baa nala odhanayaa, waa nala caayayaa, oo maalin kasta waa nalala dagaalamayaa, sababtuna waa kursiga aan ku fadhiyo, macalin ayaa ahaa oo jaamacadaha Burco iyo dugsiyadaba waxbaan ka dhigaayay, cid I caayaysay may jirin cid imaanaysay mooyaane, waxaan dadka reer burco u sheegaya inaan ahay ruux idinka dhex baxsan oo aan xisaabihiin ku jirin ee waxiinaba madax u ah, waxaan ku celclinayaa aniga dil lay’la-beegsadayna ma jiro mid aan ka badbaadayna ma jiro, ka xuna madaxbaan u ahay, ka wanaagsan madaxbaan u ahay aabahayna ma gaadhi karto waxa laygu sameeyay oo ma odhan karo maxaa inankayga waxaas loogu sameeyay. nabadgalayda nina laga baryimaayo ee nin walba waa u dan, telefoonkaygaas kun jeer ayaa la soo garaacay iyada oo la leeyahay miyaa lagu dilay, ma rasaas ayaa lagugu riday, dadka waxaas ka shaqaynaayana waxaan leeyahay horumarka dalka ka shaqeeya, dadka qaarkii waxay jecelyihiin inay meel kasta dhibi ka dhacdo, warbaahinta waxaan leeyahay dadka dhagahoodu waxay necbaysanayaan ha maqashiinina,xataa marmarka  qaarkood ayaa la qariyaa waxa jira si aanay u noqon mushilad dadka ka dhaxaysa oo cid lagu sheego, waxaas ayaa naloo dhimay oo reer hebel ayaa noo dhimay meesha ma taalo oo mar horan ka dhaqaajinay.”