Shirkadda Diyaaradaha AFRICAN AIRWAYS Oo Duulimadyo Ka Bilowday Madaarka Hargeysa

3
719

Picture2Hargeysa (Geeska) – Shirkadda diyaaradaha ee AFRICAN AIRWAYS, ayaa shalay si rasmi ah duulimaadyo uga bilowday Madaarka Caasimadda Hargeysa ee Cigaal International.

Duulimaadyadan oo la mataano noqonaya duulimaadyadii diyaaradu ku iman jirtay garoonka diyaaradaha ee Magaalada Berbera, ayaa waxay shalay ka bilowday Cigaal International, waxayna diyaaradu samayn doontaa saddex duulimaad oo ay wada fadhiisan doonto madaarada Hargeysa iyo Berbera labadaba.

Duulimaadyada diyaarada AFRICAN AIRWAYS ka bilowday Madaarka Cigaal International Airport oo uu soo dhaweeyay wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi oo kabtanka diyaaradda iyo rakaabkii la socdayba ku soo dhaweeyay madaarka, ayaa waxa tafaasiil ka bixiyey Madaxa xafiiska Somaliland ee shirkadda AFRICAN AIRWAYS Xasan Gaas Caalin, waxaanu yidhi “Duulimaadyadayadu waa saddex oo lix goor ah toddobaadkii, markaa afar waxay noqonayaan Hargeysa, labada kalena waxay noqonayaan Berbera oo bariga ayaanu ugu talogalay, haddana mar walba Berbera waanu fadhiisanaynaa, Tusaale ahaan si toos ah ayaanu uga soo duulaynaa Shaariqa ilaa Hargeysa, haddana Berbera ayaanu uga gudbaynaa, haddana Berbera ayaanu Muqdisho ka tagaynaa”

Mr Gaas, waxa kale oo uu sheegay “Waxaan u sheegayaa dadka Soomaaliya iyo kuwo Somaliland ee xiiseeya diyaaradaha in laga bilaabo maanta (shalay) uu rakaabku iman karo Hargeysa iyo Berbera labadaba, rakaabkii Hargeysa ahna Hargeysa ayaanu dhigeynaa, kii Berbera ahna Berbera ayaanu dhigaynaa, taana waxa ka mid ah in Madaxwayne ku xigeenkii Somaliland inuu maanta (shalay) ka soo degay AFRICAN AIRWAYS – Hargeysa, halkii uu Berbera ka soo deggi lahaa ee intaas oo kharash, amaan iyo askari daba ordi lahayd uu ka soo degay xaruntii Somaliland ee Hargeysa” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isaga oo ka hadlaya madaarka diyaaradaha Hargeysa sida ay ugu qanacsan yihiin “Garoonka aad iyo aad ayaanu ugu qanacnay waanu fiican yahay”

Wasiirka Wasaaradda duulista hawada iyo gaadiidka cirka Somaliland Maxamuud Xaashi Cabdi,  oo isaguna markii diyaaraddu soo caga dhigatay saxaafadda la hadlay ayaa yidhi “Shirkadda diyaaradaha ee AFRICAN AIRWAYS waanu soo dhaweynaynaa, waanuna uga mahadnaqaynaa inay qorshe samaysatay ay ugu adeegto rakaabka gobollada bari, si aan halkan (Hargeysa) loo soo marin oo ay Berbera dhaweystaan, sidaas si la mid ah ayaanu diyaaradaha kalena u samaynaa qorshe ah inay maalmo gaar ah Berbera ka deggaan”

Diyaaradda shirkadda AFRICAN AIRWAYS shalay soo fadhiisisay madaarka Hargeysa oo ahayd diyaarad weyn ayaa nooceedu ahaa MD 82 sida uu sheegay kabtankeedu, ayaa waxay awood u leedahay inay qaado 148 rakaab ah.

 

Comments are closed.