Xildhibaan Ka Tirsan Baarlamaanka Somaliya Oo Reer Hargeysa Ah Oo Xamar Lagu Dilay

4
510

Muqdisho(Geeska)-Waxa habeen hore magaalada Muqdisho lagu toogtay Alle haw naxariiste xildhibaan ka tirsan Baarlamaanka Somaliya, una dhashay Somaliland, balse aaminsanaa mabda’a federaalka Somaliya.

Xildhibaankan oo lagu magacaabi jiray Marxuum Xuseen Cabdisalaam, wuxuu ka soo jeeday deegaanka magaalada Hargeysa, waxaana toogtay kooxo afka soo duubtay. Waxaana lagu dilay xaafadda Buulo-xuubay ee Muqdisho. Marxuumka ayaa tan iyo dawladii Carta ee Cabdiqaasim Salaad Xasan, wuxuu ka mid ahaa Baarlamaanada loo sameeyo dalka Somaliya.

Madaxweynaha Somaliya iyo guddoonka Baarlamaanka Somaliya ayaa tacsi u diray xildhibaanka la dilay. Waxaana shalay lagu aasay xabaalaha magaalada Muqdisho.

Comments are closed.